WARBIXIN: Ronaldo, Modric & Xiddigaha Ka Soo Muuqday Euro-da Tirada Ugu Badan.

Waxa ay maalmo yar inaga xigaan bilaabashada tartanka Euro 2024 oo ka bilaaban doona dalka Germany.

Xiddigaha ayaa isku diyaarinaya ka qayb galista tartanka la filayo in uu yeesho xiiso gaar ah.

Xiddig kasta waxa uu ku riyoodaa in uu ciyaaro tartanka una matalo dalkiisa.

Waxa jira xiddigo ka nasiib badan xiddigaha kale isla markaas ciyaaray tartanka sanado badan.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ciyaaraya tartanka euro-da markii 6-aad.

Ronaldo ayaa xulkiisa Portugal si joogto ah ugaga soo muuqday tartanka sanadihii ugu dambeeyay.

Waxa ku xiga xiddiga Luka Modric oo ciyaari doona tartanka markii 5-aad.

Waxa ku xiga xiddiga Pepe oo Portugal u ciyaari doona tartanka markii 5-aad.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo Liiska xiddigaha ka soo muuqday tartanka Euro tirade ugu badan.

Cristiano Ronaldo (Portugal) 6 jeer.
Luka Modric (Croatia) 5
Pepe (Portugal) 5 jeer.
Rui Patrício (Portugal) 5
Iker Casillas (Spain) 5
Gianluigi Buffon (Italy) 4
Petr Čech (Czech Republic) 4
Giorgio Chiellini (Italy) 4
Alessandro Del Piero (Italy) 4
Zlatan Ibrahimović (Italy) 4

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More