WARBIXIN: Maresca, Mbappe, Adarabioyo & Saxiixyada La Dhamaystiray Suuqa Xagaaga.

waxa si Rasmi ah u dhamaaday horyaalada kala duwan ee yurub waxana la bilaabay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.

Kooxaha kala duwan ee adduunka ayaa rajaynaya in y dhamaystiraan saxiixyada sida ugu dhakhsaha badan ka hor int aanay bilaaban isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Suuqan ayaa durba ku bilowday tababarayaasha iyada oo ay kooxo la soo saxiixdeen tababarayaal cusub.

Hadaba warbixintan si joogto ah ugala soco heshiisyada dhaca:

Enzo Maresca -> Chelsea:

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa tababare Enzo Maresca

Kooxda Chelsea ayaa Enzo Maresca kala soo wareegtay kooxda Leicester City.

Enzo Maresca ayaa Leicester City ku soo celiyay premier League xilli ciyaareedka kadib shaqo fiican oo uu qabtay.

Mbappe -> Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa dhamaystirtay Saxiixiisa Kylian Mbappe sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Real Madrid ayaa ugu dambayn gacanta ku Dhigtay Xiddiga reer France.

Tosin Adarabioyo -> Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Tosin Adarabioyo sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Tosin Adarabioyo ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Chelsea suuqa kala iibsiga xagaaga.

Tosin Adarabioyo ayaa ugu biiraya Blues qaab xor ah kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisa Fulham.

Vincent Kompany -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay tababare cusub ka dhigatay Vincent Kompany.

Vincent Kompany ayaa badalay Tuchel oo isaga tagay shaqada tababaranimo ee kooxda Bayern Munich kadib dhamaadkii Xilli ciyaareedka.

Kompany ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2027 ah waxana uu kooxda hogaamin doonaa bilowga xilli ciyaareedkan.

Arne Slot -> Liverpool:

Slot ayaa badalay Jurgen Klopp waxana ay Reds ka bixisay lacag han 13 milyan oo euro isaga Iyo caawiyayaashiisa.

Hansi Flick -> Barcelona:

Flick ayaa Barcelona ka badalaya Xavi waxana uu doonayaa in uu dib u dhiso kooxda Barcelona xilli ciyaareedka dambe.

Thiago Silva -> Fluminense

Kooxda Fluminense ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Thiago Silva.

Silva ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Fluminense isaga oo Blues ka tagaya marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxda Chelsea.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More