Riccardo Calafiori Oo Ka Jawaabay Xiisaha Arsenal.

Daafaca Italy Riccardo Calafiori ayaa ‘u furan’ in uu ku biiro Arsenal xagaagan laakiin waxa ay Arsenal tartan adag kala kulmi kartaa Chelsea.

- Advertisement -

Calafiori ayaa wacdaro ka dhigay Euro 2024 inkastoo xulka difaacanaya tartanka ee Italy ay ku hartay wareega 16ka.

22-sano jirkaan ayaa lagu daray kooxda Luciano Spalletti ee Euros ka dib xilli ciyaareed wacnaa oo uu u soo ciyaaray Bologna, kaasoo 33 kulan u saftay islamarkaana ka caawiyay u soo bixitaanka Champions League.

Arsenal ayaa Calafiori u aqoonsatay bartilmaameedka muhiim ah xagaagan, iyadoo lagu soo waramayo inay la xiriirtay kooxda Seria A ee Bologna iyaga oo dalab 40 milyan ah ka gudbinaya.

Fabrizio Romano ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Premier League ay la xiriirtay Calafiori si ay ugu soo bandhigto daafaca heshiis wakhti dheer ah iyagoo isku dayaya inay ku soo jiidaan waqooyiga London.

Calafiori ayaa la sheegay in uu ‘u furan yahay’ ku biirida Gunners kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan premier League xilli ciyaareed kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More