WARBIXIN: Guardiola Oo TODDOBA Xiddig Ka Diraya Man City, Barcelona Oo

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la xusayaa inuu toddoba xiddig oo safka kooxdiisa ah iska diri doono suuqa xagaagan isaga oo gaashaan buur la samaystay kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu garab siinayo.

Guardiola ayaa u baahan saxeexa weeraryahan cusub kaddib markii uu Sergio Aguero dhinaca Barca qaab bilaash ah ugaga wareegay waxaana lala xidhiidhinayaa Harry Kane oo Tottenham ka tirsan iyo Erling Haaland oo Borussia Dortmund qayb ka ah.

Sky Blues ayaa la filayaa inay lacag badan ku bixiyaan saxeexa dhaliye cusub balse saxeexooda ugu horreeya ayaan noqon doonin weeraryahan.

Saxeexa u horreeya ee Etihad Stadium iman doona ayaa la filayaa inuu noqdo goolhaye Scott Carson oo marka horeba qaab amaah ah kula joogay City balse ay markan si rasmi ah usoo fasaxday Derby County.

Pep ayaa doonaya inuu si rasmi ah liiska xiddigaha kooxdiisa ugu daro Carson oo uu ka helay saamaynta uu ku yeeshay goolhayayaasha dookha koowaad iyo labaad ee Ederson Moraes iyo Zack Steffen.

Dhinaca kale Pep ayaa la xusayaa inuu madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta u sheegay inuu rajaynayno inuu ilaa toddoba ciyaaryahan oo kale kooxda ka diro xagaagan.

Sidaas waxa qaba saxafiga deegaanka ku ah magaalada Barcelona ee Gerard Romero kaas oo shaaciyay suurogalnimada lagu nadiifin karo safka Etihad xagaagan.

Kooxo badan oo ay kamid tahay Barcelon ayaan awoodin inay bixiyaan lacago lamid ah kuwii ay hore suuqa u gelin jireen sidaas darteed City ayay tahay inay aqbasho qiimo hoose haddiiba ay ka iibinayso ciyaaryahanadaas.

Wali ma cada magacyada toddobadaas xiddig balse waxa jira warar xusaya in daafaca dhexe ee Aymeric Laporte uu Sky Blues ku cadaadinayo inay ka iibiyaan Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More