Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Jimce Ah

Akhristeyaal, wuu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa bisha June, laakiin hadda ayay kooxuhu sii shaqaysanayaan iyagoo kala jiidanaya ciyaartoyda sida bilaashka ah lagu heli karayo iyo kuwa kale oo ay saxeexyadooda sii bislaysanayaan ka hor inta aan la gaadhin waqtiga rasmiga ah.

Wargeysyada ciyaaraha ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta, xanta iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaananu idiinka soo xulnay qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen maanta oo Jimce ah:

Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo xagaaga soo socda ka tegaya Manchester City. 32 jirkan ayaa la sheegay in uu doonayo inuu sii joogo horyaalka Premier League. (Mail)

Kooxda reer Portugal ee Benfica ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee lala xidhiidhiyo Sergio Aguero oo Isniintii ku dhowaaqay inuu ka tegayo Man City. (Record)

Arsenal iyo kooxda Independent oo ahayd naadigii uu Aguero kasoo bilaabay xirfaddiisa ayaa iyuna kusoo biiray naadiyada lala xidhiidhinayo Aguero oo sidoo kale ay danaynayaan Barcelona, Juventus iyo PSG. (Sun)

Liverpool ayaa cudud u adeegsan karta in ay lasoo saxeexato 27 jirka weerarka uga ciyaara Lyon ee Memphis Depay oo lala xidhiidhinayo Barcelona, kaas oo si xor ah uga tegi doona Lyon dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Marca)

Aabaha dhalay weeraryahanka Erling Braut Haaland ee Alf-Inge iyo wakiilkiisa Mino Raiola ayaa Jimcaha maanta ka degaya magaalada London, waxaanay wada-hadallo la yeelan doonaan kooxaha Manchester City, Chelsea, Manchester United iyo Liverpool, iyagoo qiimaynaya dalabyada kooxahaasi ku doonayaan 20 jirkan. Alf-Inge iyo Raiola ayaa shalay lasoo kulmay Barcelona iyo Real Madrid. (Mundo Deportivo)

Si kastaba, Liverpool ayaan la filaynin in ay u dhaqaaqdo laacibkan, waxaana kooxda ugu mudan ee damaceedu dhabta yahay ee doonaysa Haaland ay tahay Chelsea. (Football Insider)

Borussia Dortmund ayaa dalaban doonta ugu yaraan 150 milyan oo Euro oo ay ku xidhayso saxeexa Haaland, taas oo ka dhigi doonta ciyaartoygii saddexaad ee abid ugu qaalisanaa, waxaana uu ku xigayaa Neymar iyo Kylian Mbappe. (Guardian)

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo 27 jir ah, waxa uu sii joogi doonaa Tottenham xagaagan sababtoo ah kooxdiisu ma ogolaanayso in uu ku biiro koox kale oo Premier League ah oo la xafiiltamaysa, mana jiraan kooxo kale oo reer  Yurub ah oo bixin karaya £175 milyan oo Gini oo Spurs ay ku xidhayso saxeexiisa. (Sun)

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa u gudbiyey madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta liiska waxyaabaha uu doonayo in uu helo, si uu heshiis cusub ugu saxeexo kooxda. (Eurosport)

Tababare Mikel Arteta ayaa sheegay in go’aan laga gaadhi doono mustaqbalka weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette xagaaga soo socda. 29 jirkan oo heshiiskiisa ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya ayaa lala xidhiidhinayaa Roma, Atletico Madrid iyo Sevilla. (Guardian)

Wakiilka xiddiga Chelsea ee Jorginho ee Joao Santos ayaa sheegay in 29 jirkan khadka dhexe oo si joogto ah loola xidhiidhiyo kooxdiisii hore ee Napoli, in boqolkiiba boqol uu sii joogayo Chelsea xilli ciyaareedka soo socda. (Tutto Mercato)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More