Wararka SUUQA: AC Milan Oo Saddex Xiddig Ka Doonaysa Chelsea,

Liverpool ayaa cida ay khusayso wax ka weydiisay sida loo heli karo Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan, Mbappe oo ay sidoo kale Real Madrid doonayso ayuu heshiiskiisa PSG dhacayaa xagaaga 2022. (Marca)

Weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa meesha ka saaray ku laabashada horyaalka Premier League, 28 sano jirkaas ayaa lala xidhiidhinayaa inuu Bayern Munich ka bedelo Robert Lewandowski. (Mirror Online)

Tottenham ayaa ku jirta wadahadalo ay kooxda Bologna kala saxeexanayso daafaca ree Japan ee Takehiro Tomiyasu, heshiiska ay 15 Milyan oo pound ku qabsoomi kara. (Mail on Sunday)

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay u dhaqaaqdo daafaca Leicester City ee Wesley Fofana xilli Raphael Varane oo ay France kasoo wada jeedaan uu ku biirista Man United kusii dhawaanayo. (Fichajes, via Star Online)

Jadon Sancho ayaa mushahar £250,000 oo pound ah ka qaadan doona Man United haddii uu dhammaystiro heshiiska uu Man United ugu biirayo, lacagtaas ayaa laba jeer ka badan mida uu hadda Borussia Dortmund ka helo. (Star Sunday)

Manchester United ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo 18 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Arsenal, Real Madrid iyo PSG. (Mail on Sunday)

Dortmund ayaa weeraryahanka xulka Netherlands iyo kooxda PSV ee Donyell Malen u dooratay bedelka Jadon Sancho. (Sunday Mirror)

Manchester City ayaa liiska xiddigaha ay saxeexooda doonayso ku darsatay Reece James oo Chelsea ka tirsan, tababare Pep Guardiola ayaa la sheegayaa inuu la dhacsan yahay 21 sano jirkaas.(The Athletic – subscription required)

Philippe Coutinho ayaa ku riyoonaya ku laabashada Liverpool balse kooxdaas ayaan lahayn wax qorshe ah oo ay kusoo celinayso, labada kooxood ee kale ee doonaya ayaa kala ah Inter Milan iyo Leicester City oo iyadu kaliya hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku doonaysa 29 sano jirka Barcelona. (Sport – in Spanish)

Aston Villa ayaa doonaysa inay dalab 40 Milyan oo pound ah ku tijaabiso Chelsea oo ay ka gudbiso Tammy Abraham oo 26 gool ugu soo dhaliyay 40 kulan xilli ciyaareedkii 2018-19 ee uu amaahda kula soo joogay. (Sunday Mirror)

Red Bull Salzburg weeraryahankeeda ree Zambia ee Patson Daka ayaa sheegay inuu doortay Leicester City, Daka ayaa 34 gool xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan kasoo ciyaaray. (Krone – in German)

Ajax ayaa xiisaynaysa inay Tottenham kala wareegto 23 sano jirka Steven Bergwijn balse Spurs ayaa diidan inay fasaxaan xiddigaas oo January 2020 usoo wareegay. (Mail Online)

Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa doonaya inay kooxdiisu u dhaqaaqdo daafaca midig ee Man United ee Diogo Dalot oo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa AC Milan. (Correio de Manha via Sport Witness)

AC Milan oo dhawaan Fikayo Tomori kala wareegtay Chelsea ayaa sidoo kale kooxdaas ka doonaysa Hakim Ziyech, Olivier Giroud iyo Tiemoue Bakayoko oo isagu qaab amaah ah kula joogay sanadkii dhawaa. (Gianluca di Marzio via Sempre Milan)

Barcelona ayaa bar-tilmaameed ka dhigan doonta daafaca Chelsea ee Marcos Alonso haddii uu Junior Firpo ka baxo kooxdeeda, sidoo kale Inter Milan ayaa isha ku haysa xaalada Alonso. (Mundo Deportivo – in Spanish)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More