WAR DHAMMAADAY: Madaxa Borussia Dortmund Oo Si Cadaan Ah U Sheegay

Sida uu sheegay Sebastian Kehl oo ah halyeeyga kooxda Borussia Dortmund haatana ka tirsan madaxda ugu sarreysa kooxdaas, Erling Haaland ayaa xilli ciyaareedka dambe kooxdooda sii joogi doona walow ay jiraan kooxo badan oo doonaya xiddiga 154-ka Milyan ee pound ku qiimaysan.

Haaland ayaa la filayaa inuu noqdo mid kamida xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa xagaaga, waxa wararka bixitaanka la xidhiidhinaya dabka kusii shiday wakiilkiisa Mino Raiola iyo aabihii oo u baxay safar ay ugu soo sahaminayaan kooxda xigta ee uu u wareegayo.

Kooxaha ree Spain ee Actual Madrid iyo Barcelona iyo saddexleyda ree England ee Chelsea, Liverpool iyo Man United ayaa kamid ah kooxaha waaweyn ee saxeexa Erling doonaya.

Laakiin Sebastian Kehl oo ah agaasimaha ciyaaraha Dortmund ayaa qaba aragti ka duwan kooxaha kale ee saxeexa da’yarkooda doonaya isaga oo ku adkaystay in Haaland uu lasii joogi doono xilli ciyaareedka dambe.

“Waxaan fahamsanahay in Erling Haaland uu Borussia Dortmund u ciyaari doono xilli ciyaareedka cusub” ayuu ugu horreynba yidhi Kehl oo Sport1 la hadlayay.

“Erling gabi ahaanba wuu nagu raacsan yahay, isaga maalinkasta waan arkaa waxaanan odhan karaa in isagu gabi ahaanba u qeexan yahay kooxda”

Marka laga yimaado hadalka Kehl, warfare dhawaan kasoo baxay saxaafada Germany ayaa sheegaya in usoo bixitaanka Champions League ee Dortmund uu door weyn ka ciyaari karo mustaqbalka Haaland isla markaana ay kooxda ku adkaan doonto inay sii haysato haddiiba ay awoodi weydo.

Xiddiga Norwegian-ka ah ayaa ah gool dhaliyaha xilli ciyaareedkan ugu sarreeya Champions League oo uu 10 gool ku horkacayo halka uu tartamada oo dhan 37 gool kaga soo dhaliyay 38 kulan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More