Waa Kuwan LABADA Shuruudood Ee Uu Lionel Messi Miiska U

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu laba shuruudood ku xidhay kooxda Manchester City haddiiba ay doonayaan inuu qaab xor ah kooxdooda ugu biiro suuqa xagaaga ee sanadka dambe ee 2021.

Shuruuda koowaad ee uu Messi ku xidhay City ayaa ah inuu kooxda sii joogi doono Pep Guardiola oo ay afar sano oo dahabi ah kusoo wada qaateen Camp Nou.

Shuruuda labaad ayaa ah in Etihad Stadium lagu sii hayo saaxiibkiisa wakhtiga dheer ee Sergio Kun Aguero oo ay mudo dheer kasoo wada tirsanaayeen qaranka Argentina sida kalena u yihiin asxaab dhaw.

Messi ayaa afar xilli ciyaareed hore uga soo hoos ciyaaray Guardiola iyagoo kusoo wada guuleystay koobab badan oo ay kamid yihiin laba Champions League iyo saddex jeer horyaalka La Liga.

Wargeyska ree Argentina ee El Chiringuito ayaa sheegaya in uu Leo ka doonayo in labadaas shuruudood loo buuxiyo haddiiba ay rabaan inay saxeexiisa sameeyaan.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in wali kooxda ree England ay safka koowaad ka joogto liiska kooxaha doonaya saxeexa 33 sano jirkaas.

Xidhiidhka uu la leeyahay Messi kooxdiisa Barcelona ayaa ahaa mid xun sanadihii ugu dambeeyay arrimaha ayaana noqday kuwo halkii ugu xumaa gaadhay kaddib markii ay qaab foolxun ku dhammaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Messi ayaa naxdin ku riday xagaagii hore markii uu Barcelona u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda isaga oo doonayay inuu ku baxo qoddob u ogolaanayay inuu qaab bilaash ah ku tago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More