Waa Kuma Xiddiga Kaliya Ee Real Madrid Ka Tirsan Ee Aan Farriin

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Isco ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee go’aansaday inuusan wax farriin ah oo macasalaamayn iyo wanaag u rajayn ah u diro tababarihii hore ee kooxdaas ee Zinadine Zidane.

Iyadoo inta badan xiddigaha kooxdu ay ka cabsi qabeen in macalin Zidane go’aan gaadhay oo uu ka tagayo kooxda haddana waxa ay qabeen rajo ah inuu ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale sii joogayo.

Zizou ayaa shaqsi-shaqsi u wacay dhammaan xiddigaha kooxda si uu isagu toos ugu sheego inuu tagayo iyaga oo intooda badani wanaag u rajeeyay isla markaana uga mahad celiyay wakhtiga ay soo wada qaateen.

Kaddib ciyaaryahanada ayaa baraha bulshada ku muujiyay macasalaamaynta macalinka kooxdooda ka tagay iyaga oo soo qaatay sawiro ay ka wada muuqdaan isla markaana erayo macasalaamayn ah u raaciyay.

Kaliya halka ciyaaryahan ee safka koowaad ee aan macasalaamaynin Zidane ayaa ahaa Isco isaga oo aan bartiisa Instagram soo dhigin wax la xidhiidha macalinka French-ka ah taas oo muujinaysa caddayna ugu filan in xidhiidhkoodu uusan ahayn midka ugu wanaagsan.

Xataa Mariano Diaz oo xilli ciyaareedkan kaliya 680 daqiiqo soo ciyaaray ayaa go’aansaday inuu macasalaameeyo macalinkiisa.

Sidoo kale goolhaye Andriy Lunin oo xilli ciyaareedkii dhammaaday kaliya hal kulan kahoos ciyaaray Zidane ayaa ku dhiiraday inuu farriin ku macasalaameeyo tababaraha.

Isco ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday guud ahaan 1092 daqiiqo usoo ciyaaray Madrid isaga oo 29 kulan oo uu 10 kamid ah kusoo bilawday ciyaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More