DAAWO Oo Ha Qoslin: Tuchel Oo Kaamerad Si Hoose Looga Duubay Isaga Oo

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isku dayaya inuu markii saddexaad xilli ciyaareedkan ka adkaado Pep Guardiola kulanka Final-ka Champions League ee caawa dhex maraya Manchester City.

Kahor kulanka caawa, Tuchel ayaa aad uga qosliyay xiddigaha iyo jamaahiirta kooxdiisa iyadoo kaamero si lama filaan ah looga duubay xilli uu iska dhigayay Pep Guardiola.

Macalinka ree Germany ayaa isku dayi doona inuu caawa koobkiisii ugu horreeyay kula guuleysto Blues iyo waliba koobkiisii ugu horreeyay ee Champions League ah.

Tuchel ayaa kulan horyaalka Premier League ah iyo mid ah afar dhammaadka FA Cup ka guuleystay City taas oo ka dhigtay inuu durtaba fursad weyn ku yeesho guul uu keeno caawa.

Muuqaalkan laga duubay Thomas ayaa ah mid uu iskaga dhigayo ninka ay caawa is hayaan isaga oo ugu horreynba soo jiidaya koodhka uu xidhan yahay kahor inta uusan gacmaha si deg-deg ah u dhaqdhaqaajin.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Laga Duubay & Fal-Celintiisa Marka Uu Kaamerada Arko

Chelsea boss Thomas Tuchel entertains the Chelsea squad with his best Pep Guardiola impression ?

The look when he sees the camera is golden ? pic.twitter.com/lNYE18l4Ia

— The Sun Football ⚽ (@TheSunFootball) May 28, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More