Usain Bolt Oo Magacaabay Xiddigga Isaga Ka Badinaya Haddii

Usain Bolt oo haysta rikoodhka orodyahanka ugu dheereeya dunida ayaa magacaabay in xiddig kubadda cagta ah uu waqtigan ka dheeraynayo haddii ay baratamaan.

Bolt oo orodka ka fadhiistay sannadkii 2017kii kaddib siddeed jeer oo uu ku guuleystay biladda dahabka ah ee olombikada ee ciyaartoyga ugu dheereeya dunida msaafada 100ka  mitir iyo 200 mitir ayaa waxa uu shaaciyey in waqtigan uu hoos u dhac badan ku yimid, isla markaana uu u baahan yahay inuu is diyaariyo haddii ay noqoto inuu la tartamo xiddig kubadda cagta ciyaara oo isaga ka dheeraynaya.

Orodyahanka reer Jamaica waxa uu sheegay in xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu xataa isaga kasii dheeraynayo haddii ay baratamaan.

34 jirkan oo 100ka mitir ku orday 9.58 ilbidhiqsi oo kaliya sannadkii 2009 oo uu rikoodhkan xidhay, isla markaana 200 mitir ku dhamaystay 19.19 ilbidhiqsi 11 sannadood ka hor tartan lagu qabtay magaalada Berlin, ayaa yidhi: “Waxa hubaal ah in Cristiano Ronaldo uu iga dheeraynayo.”

Bolt oo u warramayay wargeyska Marca ayaa intaa ku daray: “Isagu maalin walba shaqeeyaa, waana ciyaartoy cajiib ah.

“Mar walba ciyaartiisu way sarraysaa, si adag ayuu u shaqeeyaa yoolna wuu leeyahay. Waqtigan la joogo, waxaan u malaynayaa inuu iga dheeraynayo aniga.”

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ka mid ah ciyaartoyda ugu dheereeya kubadda cagta ayay si gaar ah saaxiibtinimo uga dhaxaysaa Usain Bolt oo ay marar hore ku kulmeen fagaareyaal kala duwan, sida Manchester United oo uu orodyahankanna taageero.

Si kastaba, waxa jira ciyaartooyo kale oo uu ka mid yahay Kylian Mbappe oo ay dadka qaarkood rumaysan yihiin inuu orod ahaan ka dheereeyo Cristiano Ronaldo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More