Ukraine Oo Garaacday Spain, Jarmalka Oo Guul Loo Diiday Iyo

Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare.

Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.

Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka fadhiya oo aan garoonka soo gelin, laakiin Dani Ceballos, Daniel Olmo iyo Ferran Torres ayaa noqday beddellada uu tababare Luis Enrique kusoo hambabaray ee uu sameeyey markii ay qaybta dambe badhtamaha maraysay, laakiin waxay awood u yeelan waayeen inay waddankooda guul-darro ka badbaadiyaan.

Weeraryahanka da’da yar ee Ansu Fati, Adama Traore iyo Rodrygo ayuu kulankan ku aaminay tababaraha Spain oo uu ciyaarta kusoo bilaabay, waxaase uu saaray Fati iyo Rodrygo markii ay awoodi kari waayeen inay sii wadaan tamartii ay ciyaarta ku bilowdeen daqiiqadihii ugu horreeyey.

Xulka qaranka Spain ayaa marar badan ku dhowaaday inay goolka gaadhaan oo ay ciyaarta hor maraan, waxaase iskugu darsamay nasiib-darrooyin ay kubaddu diiday, goolhaye George Buschan oo u babbac-dhigay khatarihii ku imanayey iyo go’aamadii garsooraha oo ku adkaystay in aanay wax qaladaad ahi dhicin xilli ay Spain ku doodaysay in rikoodhe ay xaq u leeyihiin.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, waxaanay sidaa kusii socotay illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 78aad oo Ukraine ay heshay goolka madiga ah ee ay guushu ku raacday oo uu u dhaliyey Viktor Tsigankov oo garab ka helay Andriy Yarmolenko, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday waddanka martida loo ahaa ee Ukraine.

Dhinaca kale, xulka qaranka Germany ayaa lagaga naxsaday tiro goolal ah oo ay xilli dambe u dagaallameen inay iska soo badeen kulan ay marti geliyeen Switzerland oo ay lix gool iska dhaliyeen.

Ciyaartan oo ahayd mid adag oo labada waddan ay u furnaayeen gool-dhalintu ayaa waxa daqiiqaddii 5aad gool la hormaray xulka qaranka Switzerland oo uu u dhaliyey Mario Gavranovic, waxaana mid labaad ugu daray oo ciyaarta ka dhigay 2-0 Remo Freuler oo kubbad ka helay Haris Seferovic daqiiqadii 26aad.

Jarmalka ayaa dagaal adag ka galay goolasha lagala hormaray, waxaana daqiiqaddii 28aad gool rajada usoo celiyey u saxeexay Timo Werner oo difaaca Switzerland ugu awood sheegtay xirfaddiisa hibada ah ee keentay in Chelsea ay lacagta badan ka bixiso xagaagii tegay.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay 1-2 ay hoggaanka la nasatay Switzerland, laakiin markii qaybta dambe ay xoogaa socotay ayuu Kai Havertz goolka barbarraha u dhaliyey waddankiisa Jarmalka, laakiin laba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay haddana Switzerland hoggaanka la wareegtay iyadoo uu gool soo gaabiyey farxadda Jarmalka u dhaliyey Mario Gavranovic oo laba gool saxeexay intii ay ciyaartu socotay.

Shan daqiiqadood oo musalsal ahaa oo saddex gool la iska dhaliyey ayuu soo afjaray Serge Gnabry oo daqiiqadii 60aad goolka barbarraha u dhaliyey qarankiisa Germany, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-3 ay labada waddan dhibcaha ku qaybsadeen.

Afarta waddan ee Spain, Germany, Switzerland iyo Ukraine oo ku wada jira League A Group 4 ayaa waxa hoggaanka u haya Spain oo haysata toddoba dhibcood waxaana ku xiga Jarmalka oo leh 6 dhibcood iyo Ukraine oo 6 dhibcood haysata laakiin dhinaca goolasha kaga dambaysa Jarmalka, halka Switzerland ay kaalinta afraad ee ugu hoosaysa ku jiro oo ay leedahay laba dhibcood oo kaliya.

Natiijooyinka kulamadii kale ee UEFA Nations League:

Azerbaijan 0-0 Cyprus

Montenegro 1-2 Luxembourg

Latvia 0-1 Malta

Foroe Iceland 2-0 Andora

Liechtenstein 0-0 San Marino

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More