Tottenham, Leicester & AC Milan Oo Guulo Gaartey, Celtic &

Tottenham ayaa guul 3-0 ah ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay meel iska saartay naadiga yar ee LASK, taas oo uu Gareth Bale markii ugu horreysay ugu soo bilowday kooxdiisa cusub.

Tababare Jose Mourinho ayaa nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Harry Kane oo aan ciyaartaba soo gelin iyo Son oo uu beddel ku keenay, waxaana uu fursad siiyey Gareth Bale oo goolka labaad ee kooxdiisu heshay oo ay LASK iska dhalisay isagu soo laaday kubadda.

Tottenham ayaa daqiiqaddii 18aad hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad uu soo dhiibay Vinicius gool u beddelay Lucas Moura.

Daqiiqado kaddib ayay ciyaartoyda Tottenham u yaaceen dhinaca Gareth Bale oo kubbad uu soo laagay uu goolkiisa ku leexiyey Andres Andrade oo natiijada ciyaarta ka dhigay 2-0.

Heung-Min Son oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa lix daqiiqadood markii ay ka hadhsanaayeen dhamaadka, waxa uu Tottenham u dhaliyey goolka saddexaad oo uu soo farsameeyey saxeexa cusub ee Vinicius.

Dhinaca kale, Leicester City oo saddex sannadood kaddib kasoo muuqatay tartamada Yurub ayaa 3-0 ku karbaashtay kooxda yar ee Zorya oo ay kusoo dhoweysay garoonka King Power oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

Weeraryahanka reer Nigeria ee Kelechi Iheanacho oo ka ciyaarayay booskii Jamie Vardy oo maqnaa ayaa wacdaro ka dhigay ciyaarta, waxaana uu ka caawiyey naadigiisa inay helaan guul weyn, isaga oo dhaliyey hal gool laba kalena caawiye ka noqday.

James Maddison ayaa gool-dhalinta u furay Leicester City daqiiqaddii 29aad kaddib caawin uu ka helay Iheanacho, ka hor intii aanu laacibka Harvey Barnes gool labaad u raacin iyadoo uu kanna soo farsameeyey weeraryahanka reer Nigeria ee Iheanacho dhamaadka qaybtii hore.

Leicester City ayaa ciyaarta kusoo xidhay gool saddexaad oo uu u saxeexay Kelechi Iheanacho daqiiqaddii 67aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0.

Kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan ayaa iyaduna guul 3-1 ah ka gaadhay Celtic oo ay marti ugu ahayd Scotland.

Rade Krunic iyo Brahim Diaz ayaa qaybtii hore laba gool u dhaliyey AC Milan, waxaana dhamaadkii ciyaarta isasoo canaanatay Celtic oo heshay gool uu u saxeexay Mohamed Elyounoussi, hase yeeshee waxa rajadooda soo afjaray Jens Petter Hauge oo waqtigii dhimashada 3-1 ka dhigay natiijada ciyaarta.

Natiijooyinka kulamadii Europa League ee caawa oo dhamaystiran

Group A: Young Boys 1-2 Roma, CSKA Sofia 0-2 CFR Cluj

Group B: Dundalk 1-2 Molde, Rapid Wien 1-2 Arsenal

Group C: Leverkusen 6-2 Nice, Hapoel Beer-Sheva 3-1 Slavia Praha

Group D: Standard Liège 0-2 Rangers, Lech Poznań 2-4 Benfica

Group E: PSV Eindhoven 1-2 Granada, PAOK 1-1 Omonoia

Group F: Napoli 0-1 AZ Alkmaar, Rjieka 0-1 Real Sociedad

Group G: Braga 3-0 AEK Athens, Leicester 3-0 Zorya Luhansk

Group H: Celtic 1-3 AC Milan, Sparta Praha 1-4 LOSC Lille

Group I: Villarreal 5-3 Sivasspor, Maccabi Tel-Aviv 1-0 Qarabağ

Group J: Tottenham 3-0 LASK, Ludogorets 1-2 Royal Antwerp

Group K: Dinamo Zagreb 0-0 Feyenoord, Wolfsberg 1-1 CSKA Moskva

Group L: Hoffenheim 2-0 Crvena zvezda, Slovan Liberec 1-0 Gent

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More