Dhirbaaxo: Vinicius Junior Oo Seegi Doona Kulanka Uruguay Ee 8 Dhamaadka Copa America, Sabab.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ee Vinicius Junior ayaa seegi doona kulanka xulkiisu la ciyaari doono xulka Uruguay kulamada 8 dhamaadka Copa America.

- Advertisement -

Xulalka Uruguay Iyo Brazil ayaa wada ciyaari doona kulan xiiso leh oo ka tirsan 8 dhamaadka tartanka kadib markii ay ku kala dhamaysteen kaalinta 1-aad Iyo 2-aad ee Group-kooda.

Xiddiga Vinicius Junior ayaa ka maqnaan doona xulkiisa kulanka Uruguay sabab la xidhiidha ganaax.

Vinicius Junior ayaa laba kaadh oo digniin ah qaatay kulamadii wareega Group-yada tartanka.

Sidaas darteed xiddiga Vinicius Junior Ayaa ganaax ku seegi doona kulanka adag ee xulkiisa.

Arintan ayaa dhirbaaxo ku ah xulka Brazil marka la eego in uu Vinicius Junior muhiim u yahay xulka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More