Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Usbuuca 6aad

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo wali ku jira kulamadii ugu horreeyay ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana toddobaadkan ballansan kooxo waaweyn oo ay ugu mudan tahay kulanka ay ku ballsan yihiin Manchester United iyo Chelsea oo Sabtida dhici doona.

- Advertisement -

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo guul muhiim ah ay kooxdiisu kasoo gaadhay PSG oo Salaasadii ay ugu tagtay Paris, ayaa waxay qaabbili doontaa Chelsea oo barbarro lasoo gashay Sevilla, sidoo kalena ay dhibcaha wadaageen Southampton ciyaartoodii toddobaadkan.

Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Mark Lawrenson oo kulamada horyaalka ee toddobaadkan saadaaliyey ayaa  yidhi: “United waxay heshay usbuuc wanaagsan isla markii ay bilaabantay in su’aal la iska weydiiyo mustaqbalka tababarenimo ee Ole Gunnar Solskjaer. Laakiin waxay United u baahan tahay Sabtida ayaa ah inay ciyaar wanaagsan la timaaddo, sababtoo ah, waxay wali dareemaysaa in aanay joogto ahayn (bandhiggoodu) waqtigan. Ma jiro qof si dhab ah u huba waxa laga filan karayo.”

Mark Lawrenson waxa uu usii bushaareeyey Ole Gunnar Solskjaer oo uu u sheegay inuu guul kale gaadhi doono marka uu Sabtida garoonka Old Trafford ku qaabbilo Chelsea, isla markaana uu Frank Lampard sii geli doono mugdi dhinaca mustaqbalkiisa ah.

Liverpool ayuu Khabiirku u sheegay inay kusii talo-galaan inay guuleysan doonaan kaddib barbarrihii horyaalka ee Everton ay la galeen Sabtidii, taas oo ka galaafatay Virgil van Dijk oo uu soo gaadhay dhaawac weyn oo uu ku maqnaan doono inta ka  hadhay xili ciyaareedka.

Reds ayaa garoonkeeda Anfield kula ciyaari doonta Sheffield United, waxaanay heli doontaa guul 2-1 ah, sida uu Mark Lawrenson saadaaliyey.

Manchester City oo marti u noqon doonta West Ham United ayaa uu Khabiirku u sheegay inay coloosha adkaystaan maadaama ay lumin doonaan laba dhibcood oo ay barbarro 1-1 ah wada geli doonaan Hammers.

Tottenham oo u tegi doonta Burnley ayaa uu Mark Lawrenson saadaaliyey in lagaga badin doono 2-1, sidoo kalena ay Arsenal 2-1 ku garaaci doonto Leicester City oo ay Axadda kulmi doonaan.

Saadaasha khabiirka oo dhamaystiran

Jimce

Aston Villa 1-2 Leeds United

Sabtida

West Ham 1-1 Manchester City

Fulham 0-2 Crystal Palace

Manchester United 2-0 Chelsea

Liverpool 2-1 Sheffield United

Axadda

Southampton 2-1 Everton

Wolves 2-0 Newcastle

Arsenal 2-1 Leicester

Isniinta

Brighton 2-0 West Brom

Burnley 2-1 Tottenham

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More