Tosin Adarabioyo Oo Magaacaabay Laba Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Ku Qanciyay In Uu Iska Diido Man United Kuna Biiro Chelsea.

Tosin Adarabioyo ayaa xaqiijiyay in laba xiddig oo kooxda Chelsea ah ay ku qanciyeen in uu iska diido Man United kuna biro Chelsea.

26-sano jirkaan ayaa ka tagay Fulham kadib markii uu heshiiskiisii dhacay waxana uu qaab xor ah ugu biiray Blues.

Xiddiga ayaa iska diiday Kooxda Man United kuwaas oo doonayay xiixiisa.

Dadaalka Man United ayaa fashilmay waxana ay Chelsea si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga jimcihii.

Tosin ayaa sheegay in xiddigaha kooxda chelsea ee Cole Palmer & Raheem Sterling ay ku qanciyeen in uu iska diido United kuna biro Chelsea.

“Ka hor intii aanan ku iirin Chelsea waxa aan la hadlay Cole Palmer & Raheem Sterling Waxana ay kooxda iiga sheegeen wax fiican”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More