Tii Horeba Tanaa Ka Daran!! Jose Mourinho Oo Cusbo Sii

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho  ayaa cusbo sii mariyey dhaawacyada iyo nabarrada Manchester United ee uu ku gaadhsiiyey garoonka Old Trafford oo uu kaga adkaaday 6-1.

United ayaa lagu bahdilay garoonkooda bandhig cajiib ahaa oo Spurs ay muujisay, iyadooi intii ay ciyaartu socotay ay qaladaad badan sameeyeen difaaca Manchester United ka hor intii aan kaadhka cas loo taagin Anthony Martial.

Bruno Fernandes ayaa rikoodhe hoggaanka ugu dhiibay Man United, laakiin Heung-Min Song iyo Tanguy Ndombele ayaa kooxda martida ahayd u dhaliyey laba gool oo aanu waqti badan u dhaxaynin.

Erik Lamela oo ahaa ninka libinta kooxdiisa loo nisbaynayo, ayaa waxa uu garsooraha kulanka ku qalqaaliyey inuu casaan siiyey Anthony Martial oo khatarta ugu weyn ku hayay, waxaana uu riixay weeraryahanka reer France oo isaguna kaga falceliyey dhirbaaxo yar oo uu jilliin cajiib ah sii raaciyey Lamela.

Garsooraha ayaa casaan kula soo cararay Martial, balse markii laga fiiriyey dhacdada VAR ayaa kaad digniin kali ah la siiyey iyadoo aan ciqaab kale la marsiinin, sidoo kalena Martial ayaan laga khafiifin casaanka ciyaarta lagaga saaray.

Jose Mourinho ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu ka hadlay arrinta dhacday, waxaana uu si weyn u weeraray Manchester United oo uu sheegay inay tahay kooxda VAR ay saaxiibo yihiin, waxaanu yidhi: “Maan daawanin (Go’aankii casaanka lagu siiyey Martial), waxa laga yaabaa inaan mar dambe daawado laakiin haddii uu qof ka ooyayo go’aamada VAR, waxay noqonaysaa Tottenham. Kaliya xili ciyaareedkan uun maaha, laakiin sidoo kale xili ciyaareedkii hore.

“Haddii ay jirto cid aan ka ooynin VAR, waxa hubaal ah inay Manchester United tahay.”

Jose Mourinho iyo Solskjaer ayaa hore isku dhaafsaday hadallo ay warbaahinta isku mariyeen, waxaana uu macallinka reer Portugal ku eedeeyey Red Devils inay tahay koox garab ka haysata garsooreyaasha, ayna suurtogal tahay in ciyaarta oo dhamaatay oo qolka lebbiska la fadhiyo, in uu garsooruhu u yeedho ciyaartoyda si uu ugu rikoodhe ugu dhigo Manchester United.

Special One, waxa kale oo uu hore ugu dooday inay adag tahay in lala ciyaaro Man United maadaama ay garsooraha isku dhinac yihiin.

Si kastaba, waraysiga uu xalay bixiyey markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa waxa uu ahaa mid si weyn loo sugayay oo ay taageereyaashu u dheg taagayeen waxa uu ka odhanayo casaanka Martial iyo guusha weyn ee uu Man United ka gaadhay, waxaana uu markiiba taabtay halkii la tebayay oo ahayd go’aanka VAR.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More