Taageerayaasha Donald Trump Oo Boor Lagu Qoslo Soo
Boodh weyn oo ay ku qoray tahay in dunida ay ogtahay inuu Donald Trump ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa la dulmariyay garoonka Goodison Park wax yar ka hor inta aysan bilaabanin kulankii Everton iyo Man United.
Diyaarada siday fariinta ayaa laga arki karay garoonka korkiisa iyadoo ciyaartoyda ay iskululeynayeen kulanka adag, waxaana boorka la soo dulmariyay garoonka Everton ku qorneyd: “Dunida waa ay ogtahay inuu Trump guuleystay” iyadoo lagu soo daray hal ku dhiga ay caanka ku yihiin taageerayaasha Trump ee #MAGA
Xaqiiq ahaan Donald Trump ayaa u muuqda mid ku guuldareysanaya doorashada iyo musharaxa xisbiga dimuquraadiga Joe Biden uu ku dhow yahay in loo xaqiijiyo inuu yahay madaxweynaha cusub maalmaha soo socda.
Codadkii lagu dhiibtay boostada ayaa weli la tirinayaa gobolada qaar iyadoo Biden uu sii dheereystay hogaanka codadka.
Biden ayaa u baahan kaliya 20ka cod wakiileed ee gobolka Pennsylvania isagoo haatan gobolkaas hogaanka kaga haya Trump 28 kun cod.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ayaa sidoo kale hogaaminaya gobolada Georgia, Nevada iyo Ariziona, iyadoo dadkii ugu tirada badnaa ay codeeyeen sannadkan.
Iyadoo Trump uu ku dhow yahay inuu ku guuldareysto doorashada hadana wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id Khamiistii isagoo bilaa cadeyn sheegtay in doorashada lagu shubtay.
Marka aan u soo laabano kulanka Everton iyo Man United ayaa si xiiso leh ku bilowday iyadoo Man United ay 2-1 hogaanka ku heyso ka dib gool ay ku hormartay Everton.