Hoyga uu dagan Joe Biden oo amaankiisa aad loo adkeeyay. –
Diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in ay dulmaraan hoyga murashaxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ee magaalada Wilmington ee sida ay qortay warbaahinta gudaha Maraykanka.
Sidda ay qortay warbaahinta, xayiraadan waa mid KMG ah, waxayna la xiriirtaa xaqiijinta ammaanka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka hadana loo saadaalinayo in uu ku guulaysankaro doorashadda Maraykanka
Markii uu noqdey murashaxa dimuqraadiga, diyaaradaha waxaa codsi ka yimid ciidanka sirdoonka lagu faray in ay hal mile u jirsadaan guriga Biden.
Balse 4-tii bishaan November waxaa laga dhigay saddex mile; ugu dambayntiina Jimcadii waxaa amarkaas la gaarsiiyey ugu yaraan illaa 11-da November.
Ciddii ku xadgudubta amarkaan ayaa waxay ku muteysan kartaa 12 bil oo xabsi heer federaal ah ama ganaax dhan $100,000, oo ay wehliso in duuliyeyaasha lagala noqon doono ama laga xayiri doono ruqsadda [shatiga].
“Xayiraadahan waa in aan loo arkin in ay saadaalinayaan balaayo, balse waa talaabo caadi oo lagu ilaalinayo amniga shaqsiyaadka siyaasiyiinta ee caanka ah,” ayaa laga soo xigtay mas’uul xog u ogaal ah u ah go’aanadaas.
Sikastaba ha ahaatee, talaabooyinka dheeraad ah ee loo qaadayo sugida amniga Jeo Biden ay ayaa imaanaya xilli uu ku horeeyo natiijada doorashooyinka Mareykanka, isagoona aad ugu dhow in uu ka guuleysto Donald Trump.