Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Belgium vs England – Xiddigaha

Tababaraha xulka qaranka Belgium ayaa kusoo bilaabay kubbad-sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne, kulanka adag ee tartanka UEFA Nations League ee England ay iskaga hor imanayaan.

Gareth Southgate ayaa dhinaciisa safka hore kusoo bilaabay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Mason Mount oo bandhig wanaagsan ka samaynayay kulamadii horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

England oo ku jirta kaalinta saddexaad ee Group A2 ayaa guul weyn u baahan si ay kaalinta koowaad uga cidhiidhsan karto Belgium oo hoggaanka Group-kan ku haya sagaal dhibcood, isla markaana saddex ka mid ah afartii ciyaarood ee hore soo badiyey.

Denmark oo kaalinta labaad ku jirta ayaa iyaduna la ciyaaraysa Iceland, waxaanay rajaynaysaa in toddobadeeda dhibcood ay 10 ka dhigato, si ay u xaqiijisato inay ka faa’iidaysan karto isku-dhaca England iyo Belgium.

Tababaraha England ee Gareth Southgate ayaa kaydka dhigay laacibka hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka Premier League ee Calvert-Lewin, Phil Foden, Saka, Abraham iyo 17 jirka Borussia Dortmund ee Bellingham.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa khadka dhexe kula soo bilowday Jack Grealish iyo Mason Mount, waxaana sidoo kale ku wehelinaya Declan Rice.

Laakiin kabtanka Manchester United ee Harry Maguire ayaan gebi ahaanba ciyaartan joogin oo ganaax ku seegay, waxaana booskiisa taagan Reece James, iyadoo laga saaray liiska ciyaartoyda. Sidoo kale, Marcus Rashford oo garabka dhaawac kasoo gaadhay ayaa ka maqan.

Raheem Sterling oo taam ahaansho buuxa aan ahayn ayaa sidoo kale uu kasoo tegay tababaruhu, taas oo weerarka ku kaliyeysay Harry Kane oo kaashan doona Jack Grealish.

Roberto Martinez ayaa isaguna aan haysanin Eden Hazard oo Korona Fayras ku dhacay, balse waxa uu dib u helay Romelu Lukaku oo kasoo kabtay dhaawac.

Shaxda rasmiga ah ee labada waddan:

England: Pickford, Walker, Trippier, Dier, Rice, Mings, Chilwell, Mount, Henderson, Grealish, Kane.

Kaydka: Keane, Sancho, Pope, Winks, Maitland-Niles, Calvert-Lewin, Foden, Saka, Abraham, Henderson, Bellingham.

Belgium: Courtois, Alderweireld, Denayer, Vertonghen, Meunier, Witsel, Tielemans, T. Hazard, Mertens, De Bruyne, R. Lukaku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More