Saddex Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Manchester City Ka Maqnaan

Tababare Pep Guardiola ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee saddex ka mid ah laacibiintiisa muhiimka ah marka ay usbuuca dambe garoonka Etihad Stadium kusoo dhoweynayaan garoonka, taas oo kusoo beegantay xilli ay City ku jiro xaalad xun.

Manchester City oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka aan wax guul ah arag, isla markaana ay Leicester kusoo bahdishay 5-2 ka hor intii aanay Leeds United barbarro 1-1 ah ku qabanin, ayaa waxa uu xili ciyaareedkan cusub ee horyaalka Premier League ugu bilowday xaalad aan wanaagsanayn.

Kulanka Arsenal oo muhiimad weyn u leh Guardiola, uuna u baahan yahay inuu kusoo laabto jidka guusha ayaa waxa ay kooxdiisu sii ahaan doontaa mid ka dhibaatoonaysa afka hore oo ay ka maqan yihiin laacibiin saamayn badan leh oo kulamadii hore ee ay Gunners iskaga hor yimaaddeen libinta u go’aamin jiray.

Guardiola oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu hore u xaqiijiyey in kooxdiisa ay ruxeen dhaawacyo, isla markaana aanay usbuucyo ku xisaabtamaynin qaar ka mid ah xioddigahooda.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayay hubaal tahay in aanu ciyaari doonin kulanka Arsenal oo uu ka maqnaan doono, kaddib dhaawacii kasoo gaadhay ciyaartii Wolves, waxaanu sidoo kale ka maqnaa kulamadii Bournemouth, Leicester City, Burnley iyo Leeds United.

Man City oo hore uu uga maqnaa Sergio Aguero, waxa ugu darsamay Jesus oo ku dhowaad bil aan garoomada lagu arkaynin, taas oo ka dhigan in Arsenal ay ka fududaan doonaan culaysyadii Aguero iyo Jesus saari jireen.

“Ma haysano Sergio, mana haysano Gabriel.” Ayuu yidhi Guardiola mar uu la hadlayay warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in labada da’yar ee Liam Delap iyo Cole Palmer uu ciyaarsiin karo haddii ay dantu ku qasabto.

“Sergio wali tababarka kuma soo laabanin, Gabriel na waxa uu dhaawacmay ciyaartii Wolves, waxaanu maqnaanayaa muddo bil ah.” Ayuu raaciyey.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa waxa uu kusoo warramay in maalmihii ugu dambeeyey tababarka lagu arkayay Sergio Aguero oo kasoo kabanaya dhaawaca, laakiin aanu ciyaari doonin kulanka Arsenal maadaama uu muddo dheer ka maqnaa garoomada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More