Thiago Alcantara Oo Ka Hadlay Korona Fayraskii Ku Dhacay –

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa kasoo baxay xaaladdii karantiilka ahayd ee ugu jiray xanuunka Korona Fayras oo bishii hore ku dhacay.

Thiago Alcantara ayaa la geliyey is-go’doomin shaqsi ah markii ay kooxdiisu shaacisay inuu ku dhacay xanuunka halista ah ee dunida ku faafaya markii ay taariikhdu ahayd September 29, xilligaas oo ahayd kulan kaliya markii uu u ciyaaray kooxdiisa.

Kubbad-sameeyahan ayaa waxa kale oo ka dambeeyey oo xanuunku ku dhacay Xhaqiri iyo Sadio Mane, taas oo ay ugu sii darsantay dhaawac soo gaadhay goolhaye Alisson Becker oo muddo garoomada ka maqnaan doona, waxaana intii ay maqnaayeen kooxdooda ku dhacay badilaaddii ay Aston Villa u geysatay ee ay ku garaacday 7-2.

Sida uu dhigayo sharciga UK u dejisay xakamaynta xanuunkan, qof kasta oo laga helo waxa waajib ku ah inuu galo karantiil 10 maalmood ah, waxaana Thiago Alcantara uu hadda soo dhamaystay muddadaas isagoo kusoo laabtay fagaareyaasha.

11 maalmood oo kasoo wareegtay maalintii xanuunka lagu sheegay kaddib, waxa uu Thiago Alcantara usoo baxay bannaanka isagoo isku sawiray dariiqyada magaalada oo uu lugaynayo, waxaanu ku daray farriin kooban oo uu kusoo daabacay bartiisa bulshada.

Waddooyinka dhex-marta magaalada Liverpool ee Seel Street iyo Brick Street ayaa uu Thiago Alcantara dhex lugeeyey, waxaana laga qaaday sawirro uu kusoo daabacay bartiisa, waxaanu kusoo dul-qoray: “Liverpool way lugaynaysaa.”

?liverpool walks. pic.twitter.com/FaAi8nqYbq

— Thiago Alcantara (@Thiago6) October 10, 2020

Soo kabashada Thiago ayaa tababare Jurgen Klopp waxay siinaysaa farxad weyn iyo niyadsamaan uu ugu diyaar-garoobi karo kulanka adag ee Merseyside derby ee ay Sabtida soo socota garoonka Goodison Park ugu tegi doonaan Everton oo horyaalka hoggaaminaysa.

Waxa kale oo ay Liverpool rajaynaysaa in maalmaha soo socda uu karantiilka ka bixi doono Sadio Mane oo isaguna awood u heli doona inuu ciyaartaas  safto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More