Sababtii Uu Jadon Sancho U Diiday In Uu Raali Galin Siiyo Ten Hag Oo La Ogaaday.

Tababaraha kooxda koowaad ee Manchester United Benni McCarthy ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Jadon Sancho u diiday inuu raali galiyo Erik ten Hag ka dib markii ay isku dhaceen horaantii xilli ciyaareedkan.

Sancho ayaa laga saaray kooxda Man United kadib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda ee Eruk Ten Hag.

Tababare Ten Hag ayaa saxaafada u sheegay in Sancho uuna lahayn heer uu ugu ciyaaro kooxda.

Sancho ayaa kadib baraha bulshada kaga jawaabay isaga oo qoray”Fadlan wax walba oo aad maqashaan ha rumaysanina”

“Ma ogolaan doono in dadku ay sheegaan waxyaabo aan run ahayn, si wanaagsan ayaan tababar u qaataa”.

Taas ayaa keentay in uu tababaruhu kooxda ka saaro xiddiga ka hor intii aanu amaah uga tagin kooxda.

Tababaraha Manchester United McCarthy ayaa daboolka ka qaaday is qab qabsiga Sancho ee Ten Hag wuxuuna sharaxay sababta uu weeraryahanka England u diiday inuu raaligelin bixiyo inkasta oo mustaqbalkiisa Old Trafford uu halis ku jiro.

“Waan la hadlay maamulaha, waxaana ku idhi waad garanaysaa macaanka,” weeraryahankii hore ee Premier League McCarthy, oo door tababarenimo ka soo qabtay United 2022, ayaa u sheegay 947.

“Waxaan u sheegay in aan u malaynayo in Jadon uu dareemayo in haddii uu raaligelin ka bixiyo in loo qaadanayo in una si fiican tababarka u aadan, in aanu si adag ugu shaqayn tababarka wax walba oo laga sheegayna ay tahay run”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More