Rio Ferdinand Iyo Solskjaer Oo Isku Raacay Amaanta Xiddigii Manchester

Ole Gunnar Solskjaer iyo Rio Ferdinand ayaa si isku mid ah u amaanay xiddigii masuulka ka ahaa guushii Manchester United ay xalay ka gaadhay Brigthon, taas oo dhamaadkii ay heleen goolka guusha.

Red Devils ayaa ka daba timid Brighton oo gool kala hormartay qaybtii hore, waxaana laba gool ugu beddelay Marcus Rashford iyo Mason Greenwood oo daqiiqadihii 62aad iyo 83aad goolasha dhaliyey.

Weeraryahankii hore ee Manchester United ee Danny Welbeck ayaa waqti hore dhaliyey goolka ay inta badan ciyaarta ku hoggaaminaysay Brighton.

Guushan ayaa Manchester United u ahayd middii 17aad ee xilli ciyaareedkan ay kasoo hooyaan horyaalka Premier League.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartu, Ole Gunnar Solskjaer iyo Rio Ferdinand ayaa hal laacib amaan kula wada dul-dhacay, waana da’yarka Mason Greenwood oo goolka guusha dhaliyey, sidoo kalena shaqo fiican qabanayay intii ay ciyaartu socotay oo dhan.

Solskjaer oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Mason wuu koray, maantana (xalay) wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydayadii ugu cadcaddaa.

“Wuxuu ahaa nadiif iyo gaari, goolkana wuu helay. Wuxuu ahaa madax xerada ganaaxa dhexdeeda ah oo lix yard ah, taas ayaana ah waxa aanu uga baahanahay Mason.”

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa kale oo uu sheegay in ciyaartu ahayd mid adag oo ay natiijo wanaagsan ka heleen.

Dhinaca kale, difaacii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa isaguna qiray shaqadii cajiibka ahayd ee uu qabtay Mason Greenwood, isagoo dhinaca kalena xusay in Man United ay liidatay qaybta hore, waxaanu yidhi: “Way dhibaatoodeen qaybta hore laakiin qaybtii dambe ayay horumar sameeyeen oo ay shaqo fiican qabteen. May ahayn shaqadii saxda ahayd laakiin guusha ayay heleen.

“Goolka uu dhaliyey Greenwood, waa nooc muujinaya in da’yarkani yahay weeraryahan. Waxa aan ku farxay waa sida uu ciyaarta oo dhan u dheelayay Greenwood. Dhaqdhaqaaqiisa iyo sida uu booskiisa ugu noqonayay ayaa cajiib ahaa.

“Wuxuu samaynayaa orod aan la rumaysan karin. Wuxuu u baahan yahay in uu sii wado orodkan sababtoo ah ciyaartoyda kooxdiisa ayaa si fiican u fahmi doona.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More