Real Madrid Oo Ciyaartoygii Saddexaad Uu Kaga Dhacay Fayraska Korona

Kaddib Karim Benzema iyo David Alaba, Real Madrid ayaa mar kale dhibbane u noqotay Fayraska Korona, waxaana karantiil loo diray ciyaartoygii saddexaad oo uu ku dhacay Fayraska.

Real Madrid ayaa xaqiijisay, in baadhitaan la sameeyey Sabtidii maanta ay natiijadiisu caddaysay, in difaaca reer Spain ee Alvaro Odriozola uu ku dhacay Fayraska, isla markaana lagu qasbay in uu karantiil galo, taas oo walwal ku ridday ciyaartoyda kale ee kooxda.

Odriozola oo tababarka la qaadanayay kooxda maalmihii ugu dambeeyey ayaa isku diyaarinayay kulanka saaxiibtinimo ee AC Milan ee August 8 ayaa waxa uu gelayaa karantiil toban maalmood ah.

Real Madrid ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku tidhi: “Real Madrid waxay xaqiijinaysaa in ciyaartoygayaga Odriozola laga helay Koofid-19 kaddib baadhitaan lagu sameeyey.”

Real Madrid ayaa uu Fayrasku kusii faafayaa, waxaana hore karantiil ugu jiray David Alaba halka uu Karim Benzema oo kasii horreeyey uu isagu kusoo laabtay tababarka kaddib toban maalmood oo uu gurigiisa ku xayaysnaa.

Labadan ciyaartoy ayaanu midkoodna ka qayb-gelin kulankii saaxiibtinimo ee Rangers ee July 25, waxaana hadda su’aal la gelinayaa in Alaba uu ciyaari doono kulanka Milan maadaama aanu tababarka qaadanayn toban maalmood, halka ay hubaal tahay in Odriozola uu maqnaanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More