RASMI: Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Finalka Copa del Rey Oo La

Ronald Koeman ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka finalka Copa del Rey ee Sabtida, waxaanu soo qaatay dhamaan ciyaartoydiisa marka laga reebo hal laacib oo lacag badan ay kasoo bixiyeen oo aan lagu soo darin xiddigaha safarka ku tegaya magaalada  Seville.

Labada ciyaartoy ee dhaawaca ah ee Ansu Fati iyo Neto ayaa lagu daray liiska kooxda oo safarka qayb ka noqonaya si ay dabbaal-degga iyo farxadda ula qaybsadaan ciyaaartoyda kale haddii ay guuleystaan, laakiin Barcelona ayaa  go’aansatay in Philippe Coutinho aanu qayb ka noqonin ciyaartan.

Xiddiga reer Brazil ayaa la sheegay in uu fasax kaga maqan yahay kooxda oo uu dib ugu laabtay waddankiisa Brazil oo uu ku qaadanayo barnaamij soo kabasho dhaawaca muddada uu u jiifay ah.

Barcelona ayaa finalka la ciyaaraysa Athletic Bilbao oo ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan tartanka, hase yeeshee koobkii ugu dambeeyey ay ku garaacday kooxda kale ee Real Sociedad.

Tababare Ronald Koeman ayaa kooxdiisu ay koobkii ugu horreeyey hanan doontaa toddobaadkan haddii ay garaacdo Athletic Bilbao, waxaanu kooxda u noqonayaa midkii ugu horreeyey ee muddo laba xilli ciyaareed ah, iyagoo fasalkii hore aan wax koob ah gacanta ku dhigin.

Haddii ay Copa del Rey meel dhigtaan, Barcelona ayaa usoo jeedsan doonta horyaalka LaLiga oo ay kaalinta saddexaad  kaga jirto, kaas oo ay awooddeeda oo dhan iskugu geyn doonto sidii ay ugu garaaci lahayd Atletico Madrid oo laba dhibcood ka horreysa iyo Real Madrid oo hal dhibic ka sarraysa.

Xiddigaha Barcelona ee kulanka Athletic Bilbao ee finalka Copa del Rey

Goolka: Marc-Andre ter Stegen, Neto (wuu dhaawacan yahay), Inaki Pena, Arnau Tenas.

Difaaca: Sergino Dest, Gerard Pique, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba, Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Oscar Mingueza.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Pedri, Matheus Fernandes, Frenkie de Jong, Ilaix Moriba.

Weerarka: Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Francisco Trincao, Ansu Fati (wuu dhaawacan yahay).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More