QIIMAYN: 30kii Xiddig Ee Ingiriiska Ahaa Ee Ugu Fiicnaa Taariikhda

Halyeygii Liverpool ee Steven Gerrard ayaa lavatory magacaabay xiddigii Ingiriiska ahaa ee ugu fiicnaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu kasoo hormaray Paul Scholes, Alan Shearer iyo Wayne Rooney.

Gerrard oo ay da’diisu tahay 40 jir ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa khadka dhexe, waxaana muddo dheer soo taagnayd dood u dhaxaysay isaga, Frank Lampard iyo Paul Scholes, taas oo ku aaddanayd midkooda fiicnaa.

Laakiin qiimaynta cusub ee la sameeyey ayaa meesha ka saartay loollankaas, waxaana Steven Gerrard lavatory magacaabay xiddigii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League ee dhalashadiisu Ingiriis tahay.

Qiimayntan oo ay samaysay 90min, ayaa waxa kaalinta labaad soo galay halyeygii xulka qaranka England iyo kooxda Newcastle United ee Alan Shearer, halka uu kubbad-sameeyihii iyo burburiyihii Manchester United ee Paul Scholes uu kaalinta saddexaad  ku jiro.

In aanu waligii ku guuleysanin horyaalka Premier League, kama joojinin Steven Gerrard in lavatory doorto ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Premier League ee dhalashadiisu tahay Ingiriis, laakiin waxa uu ku guuleystay Champions League, UEFA Cup, laba FA Cup iyo saddex League Cup.

Waxa kale oo liiskan ku jira weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane, kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson iyo halyeygii Manchester United ee Riyo Ferdinand.

Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa  taariikhda Premier League ee Ingiriiska u dhashay:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More