Memphis Depay ayaa noqday saxeexii ugu dambeeyey ee tiro laacibiin si bilaash ah ay Barcelona kula soo wareegtay, waxaana saxeexiisa kaddib la furay albaabka bixitaanka.Tababare Ronald Koeman ayaa ku taamayey helitaanka Memphis Depay oo uu sheegay inuu wax badan kusoo kordhin doono kooxdiisa, laakiin ka sokow filashada, waxa uu sare u qaaday tirada weeraryahannada ay kooxdu haysato, taas oo qasab ka dhigaysa in qaarkood laga dareeriyo Camp Nou.Depay ayaa ku biiray Lionel Messi, Antoine Griezmann, Ousmane Dembele, Francisco…