Muxuu Kylian Mbappe Ku Jawaabay Markii La Weydiiyey Inuu

Kylian Mbappé wuxuu haystaa rikoodh gool-dhalinta tartanka Champions League ah oo aanay gaadhin Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi markii ay da’doodu ahayd 21 jirka.

Cristiano Ronaldo wax gool ah ma dhalinin intii ay da’diisu ka hoosaysay 21 jirka, laakiin intii ka dambaysay ayuu si layaab leh u shaqeeyey oo uu noqday laacibka taariikhda tartanka Champions League ugu goolasha badan, halka Lionel Messi ayaa dhinaciisa laba gool oo kaliya haystay waqtigii ay da’diisu ahayd inta uu Kylian Mbappe hadda jiro, kaalinta labaadna uu kaga jiro rikoodhka gool-dhalinta ugu badan ee tartankan.

Bishii February ee sannadkii hore, weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe ayaa barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Ronaldo luis Nazario de Lima ee dhinaca Champions League kaddib gool uu ka dhaliyey Manchester United, waxaanu halkiisa kasii watay wacdaraha.

Intaa wixii ka dambeeyey waxa uu noqday ciyaartoy la isweydiiyo haddiiba uu fursad u heli doono inuu gaadho heerka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo dad badan ay meeqaamkaas oo kale keenaan.

Wargeyska France Football ayaa 21 jirkan weydiiyey su’aal xaasaasi ahayd oo ah inuu kala doorto labadan ciyaartoy ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo min lix jeer iyo shan jeer kusoo kala guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or.

Kylian Mbappé oo lagu yaqaano inuu yahay aftahan aan hadalka ku marganin, ayaa si cajiib ah su’aashan uga jawaabay, waxaanu yidhi: “Haddii aan kala doorto Messi iyo Ronaldo inay ila ciyaaraan aniga, waxa aan fadhiisan lahaa kursiga kaydka iyaga ayaana iska garab ciyaari lahaa si ay u xaqiijiyaan in aanu guuleysano.”

Inkasta oo uu su’aashan kaga baxsaday jawaabtaas cajiibka ah, haddana Kylian Mbappe ayaa 13 jir markii uu ahaa waxa uu Cristiano Ronaldo kula kulmay qolka lebbiska Real Madrid, waxaanu la galay sawir, iyadoo uu marar badan caddeeyey inuu yahay laacibka uu ku daydo.

Kulankii xalay ay Faransiiska iyo Portugal barbarraha goolal la’aanta ah ku kala baxeen ayuu mar kale Mbappe ku celiyey inuu la kulmay laacibka uu taageeraha u yahay ee Ronaldo, iyadoo uu bartiisa bulshada soo dhigay sawir ay wada galeen dhamaadkii ciyaarta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More