Maxaa U Sabab Ah In Liverpool Gurigeeda Anfield Lagu Garaacay Lixdii
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in taageerayaasha oo ka maqan garoonka Anfield inay sabab u tahay lixda kulan ee isku xigta ee kooxdiisa looga badiyay garoonkooda.
- Advertisement -
Ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Crystal Palace bishii April 2017, Reds waxaa soo martay 68 kulan oo isku xigta oo aan looga badinin garoonkooda horyaalka Premier League iyadoo rikoodhkaas ay jabisay kooxda Burnley bishii Janaayo ee sannadkan.
Guuldaradii ka soo gaartay Burnley waxay bilow u noqotay lix kulan oo isku xigta oo Liverpool lagu garaacay garoonkooda horyaalka Premier League, waana mid uu la amakaagay Klopp markii loo sheegay ka hor kulanka ay maanta la ciyaarayaan Aston Villa.
Inkastoo uu Klopp qirtay in taageero la’aanta kaliya aysan sharaxaad ka bixineynin xaaladooda hadana waxa uu xusay inay taasi qeyb weyn ka tahay mucjisada sannadkan 2021 ka heysata garoonkooda Anfield.
“Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa ah inaysan jirin taageerayaal imaanaya garoonka, taasi shaki kuma jiro” ayuu yiri.
“Kooxo badan ayaa dhibaato ku qaba taas. Marka taas laga soo tago sababta kale ee aan u badin la’ nahay kulamada gurigeena waxay tahay inaynan u ciyaareynin si fiican laakiin kulamada oo dhan ma ahan.
“Waxaa jiray kulamo qaar aan ku ciyaarnay Anfield oo aan guuldareysanay oo aan aaminsanahay in waqti kale xitaa bilaa taageerayaal inaan badin laheyn.
“Haatan waxaan guuldareysanay afar kulan oo isku xiga, maya lix kulan oo isku xiga – wow! waa mid dheer. Waa qasab inaan taas bedelno. Laakiin ma ahan mid aan ku bedeli karo garoonka tababarka laakiin waa inaan maskax ahaan isbedel la imaano.”
Your browser does not support the audio element.