Maxaa Hela Gool-dhalinta Robert Lewandowski Marka Uu Xulka Qarankiisa

Robert Lewandowski waa mishiin goolasha ah, waxaanu si joogto ah goolasha u dhalinayay muddo toban sannadood ka badan, laakiin taasi waxay ku kooban tahay kulamada kooxaha oo kaliya.

Rikoodhkiisii goolasha ee Borussia Dortmund iyo Bayern Munich waa mid cajiib ah, laakiin xulka qarankiisa Poland ayaa dhinaciisa soo eegaya, walina aan waxba ka haynin.

Lewandowski ayaa ah ciyaartoyg ugu goolasha badan qarankiisa Poland waxaanu u dhaliyey 66 gool, laakiin waxa uu qarankiisu rumaysan yahay in aanay taasi ahayn wax ku filan marka la eego goolashiisa tirada badan ee kooxdiisa uu u dhaliyo.

Saluugga ugu weyn ee haysta reer Poland ayaa ah, in laba jeer oo tartamo waaweyn ay ka qayb-galeen aanu marnaba wax gool ah u dhalin.

12 ciyaarood oo Koobka Adduunka iyo Euro ah oo uu Robert Lewandowski u ciyaaray Poland ayaa uu laba gool oo kaliya dhaliyey. Midka hore ayaa ahaa Euro 2012 oo ciyaar ay Greece la dheeleen uu ka dhaliyey gool iyo midka kale oo ahaa Euro 2016 oo uu Portugal ka dhaliyey hal gool.

Tiroba 35 jeer ayuu goolka toogtay, waana rikoodhkiisii ugu yaraa ee goolal ah marka la eego tirada goolasha uu ku dhaliyo toogashooyinka uu sameeyo marka uu Bayern Munich u ciyaarayo.

Kulankii Slovakia ay sida xun ugu garaacday iyadoo la filayay inay Poland guuleysanayso, waxa uu Robert Lewandowski goolka toogtay 17 jeer oo uu isku dayay inuu dhaliyo gool laakiin marnaba kuma dhowaanin goolka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More