“Markasta Xalku Maaha In Messi Kubadda Loo Baaso” – Xiddig Argentina

Khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Argentina ee Leandro Paredes ayaa ka hadlay kabtankiisa xulka ee Lionel Messi iyo sida ay jiraan ciyaaryahanada qaar markasta kubadda u baasa iyaga oo xalka ka raadinaya.

Barcelona oo ah kooxda Messi ayaa ahayd mid sanadihii ugu dambeeyay lagu eedaynayay inay aad ugu tiirsan tahay Leo iyadoo ay badi xiddigaha kooxdaasi kubadda la raadiyaan.

Paredes iyo Messi ayaa hadda wada metelaya xulka Argentina tartanka Copa America, xulkaasi ayaa booska 1-aad kaga jira Group A kaddib markii ay laba guulood iyo bar-bardhac soo galeen.

Paredes ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiisa khadka dhexe ee Rodrigo De Paul ay go’aan ku gaadheen inay kubadda u baasaan Messi kaliya marka ay u arkaan inuu boos wanaagsan oo uu faa’ido ka keeni karo joogo isaga oo ku dooday in kubadda oo Messi loo baaso markasta uusan xalku ku jirin.

Leandro oo sharaxaad bixinayay ayaa yidhi “Markii aanu dhawr kulan wada ciyaarnay Rodri De Paul, maskaxdayada ayaanu gelinay inay khasab tahay inaanu Leo raadino, laakiin aanu raadino marka uu faa’ido samayn karo”

“Waxaan filayaa in, walow markasta oo uu halkaas joogo uu kaa dhigayo mid doonaya inaad kubadda u dhiibto, markasta maaha dookha ugu fiican, sidoo kale waa inaad dareenkaas mid caqli badnaan ku dara noqotaa”

26 sano jirkaas ayaa ah mid ciyaartoy heer sarre ah kula ciyaara Argentina iyo PSG labadaba sidaas darteed waxa uu u muuqdaa mid fahamsan inaan markasta kubadda loo baasin ciyaaryahanka ugu wanaagsan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More