Manches United Oo Guul Ku Bilaabay, Xiddigaha Goolasha U Dhaliyey &

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul ku bilaabatay ciyaaraha saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub, waxaanay 2-1 ku garaaceen Derby County oo uu tababare u yahay halyeygii Manchester United ee Wayne Rooney.

Manchester United oo ay fasax kaga maqan yihiin dersin ciyaartoydeeda waaweyn ah, ayaanay waqti badan ku qaadanin inay guusha xaqiijistaan, iyadoo goolashana ay u dhaliyeen laacibiinta da’yarta ee uu Ole Gunnar Solskjaer ku daray liiska ciyaartoydiisa kulamada saaxiibtinimo.

17 daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ciyaartu ayuu laacibka da’da yar ee Tahith Chong hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester United, kaas oo iskudaygiisii labaad ku xaqiijiyey inuu gool u beddelo dedaalkiisa.

Derby County ayaa laba fursadood oo wanaagsanaa heshay qaybta hore, waxaana mid ka mid ah joojiyey goolhayaha United ee Tom Heaton, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0 ay Manchester United hoggaanka la nasatay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qaybtii dambe wada beddelay dhamaan ciyaartoydiisa qaybtii hore uu kusoo galay, waxaanu keenay ciyaartooyo dhamaantood kuwa da’yarta ee aan kooxda koowaad ku jirin ah.

Laacibkii ay xilli ciyaareedkii hore soo iibsatay ee Facundo Pellistri ayaa Manchester United hoggaanka u sii dheereeyey daqiiqaddii 59aad, waxaanay ciyaartu 2-0 ahayd illaa laga gaadhayey daqiiqaddii 70aad, markaas oo Derby County ay heshay gool aan waxba ka beddelin natiijada guusha United ee kulanka uu u dhaliyey Colin Kazim-Richards.

Shaxdii labada kooxood kusoo galeen qaybta hore:

Derby: Roos, Byrne, Jagielka, Davies, Buchanan, Bird, Shinnie, Aluko, Lawrence, Morrison, Baldock

Man Utd: Heaton, Mata, Greenwood, Wan-Bissaka, Williams, Levitt, Elanga, Garner, Tuanzebe, Mengi, Chong

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More