Man United Oo Sporting Lisbon Kala Heshiisay Saxeexa Luis

Kooxda Manchester United ayaa dhigeeda Sporting Lisbon kala heshiisay saxeexa da’yarkeeda Luis Gomes oo ah 16 sano jir qaab ciyaareed fiican kusoo bandhigay kuliyada da’yarta ee kooxdaas.

Gomes oo Sporting Lisbon kusoo biiray isaga oo lix sano jir ah ayaa heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadle rasmi ah u saxeexay kooxdiisa toddobaadkii hore iyadoo xilli horeba la siiyay naanaysta ah Luis Figo-ha cusub.

Khadkan dhexe ee da’yarka ah ayaa heshiis cusub oo shan sano ah u saxeexay Sporting maalmo kahor balse sida uu sheegayo wargeyska The Mirror, Man United ayaa kooxda ree Portugal is af-garad 14 Milyan oo Pound ah la gaadhay.

Qaabka heshiiskan ayaan ahayn mid inta badan dhaca balse waa heshiis afeef ah, United ayaan hadda la wareegayn Luis Gomes balse haddiiba uu bandhigyo waaweyn sameeyo oo ay kooxdiisu iibinayso isla 14-kaas Milyan ee Pound bixin doonta toosna uga heli doonta.

Man United ayaa taariikh wanaagsan ku haysata saxeexyada ay Sporting Lisbon kala soo wareegto waxaana hore ay uga heleen Cristiano Ronaldo, Luis Nani iyo Bruno Fernandes oo haatan qayb ka ah safkeeda.

Ronaldo ayaa isaga oo 18 sano jir ah ku biiray Red Devils isla markaana lix sano gudaheed kula qaaday sagaal koob oo waaweyn oo laga xusi karo saddex Premier League iyo Champions League kahor intii uusan Real Madrid u wareegin 2009-kii.

Nani ayaa isaga oo 20 sano jir ah u wareegay Old Trafford isla markaana 12 koob oo waaweyn ku qaaday 8 sano gudaheed halka Fernandes oo January u wareegay uu gabi ahaanba bedelay dareenkii xiddigaha Ole Gunnar Solskjaer.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More