“Man United Horyaalka Kuma Guuleysan Karto La’aanta…..” – Red Devils

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Oliseh ayaa u sheegay Manchester United inaysan awoodi doonin ku guuleysiga horyaalka Premier League la’aanta saxeexa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Red Devils ayaa qaab cajiib ah ku furtay xilli ciyaareedkan 2021-22 kaddib markii ay Leeds United kaga adkaadeen 5-1 xilli ay kulankaas indhaha xadeen xiddigaha khadka dhexe ee Bruno Fernandes oo saddexley dhaliyay iyo Paul Pogba oo afar jeer caawimo sameeyay.

Walow ay xilli ciyaareedkii hore labaad kaga soo dhammaysteen horyaalka sidoo kalena saxeexyo waaweyn sameeyeen xagaagan ayuu Olisen kula taliyay Man United inay safkeeda weerarka kusoo xoojiso Erling Haaland.

“Qaab qiiro leh ayay Manchester United 5-1 ugaga adkaatay Leeds iyadoo ay Paul Pogba iyo Bruno Fernandes boggaga hore ee saxaafada xadeen” ayuu Oliseh ku yidhi qoraal.

“Si kasta oo ay cajiib u ahaayeen wali waxaan dareensanahay in wali wax weyni ka maqan yahay Manchester United, walow aan dareemayo inay tahay inay si weyn ugu tartamaan horyaalka xilli ciyaareedkan kumaan sharad-tameen inay iyagu horyaalka qaadi doonaan iyaga oo aan BVB Dortmund kasoo iibsan Erling Haaland”

Manchester ayaan horyaalkaasi ku guuleysan tan iyo xilli ciyaareedkii 2012-13. Oliseh ayaa kooxda Champions League difaacanaysa ee Chelsea u arka mida Man City kaga guuleysan karta horyaalka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka 3-0 ku suul-daartay Crystal Palace maalmo kaddib markii ay UEFA Super Cup rigoorayaal uga soo qaadeen Villarreal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More