Magacyada SADDEXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Barcelona Ka

SADDEX ka mid ah ciyaartoyda Barcelona ayaa ogolaaday codsi uga yimid maamulka kooxda oo dhamaan laacibiinta iyo shaqaalaha naadiga lagu weydiistay inay aqbalaan in mushahar dhimis boqolkiiba soddon ah (30%) ay sameeyaan, inta ka  horreysa maalinta Arbacada ee soo socota.

Ciyaaryahanadda Barcelona oo ay hoggaaminayaan Lionel Messi iyo Gerard Pique ayaa iska diiday inay mushahar dhimis sameeyaan maadaama ay dareensan yihiin in wixii karaankooda ah ay kooxda tareen markii ay 70% dhimeen mushaharkooda xilligii ciyaaruhu go’doonka ku jireen.

Maamulka kooxda ayaa ciyaartoyda siin doona ballan kale oo kama dambays ah oo ku eg horraanta bisha November, taas oo la rumaysan yahay in haddii lagu guul-darraysto in xal rasmi ah lagu gaadho, in kooxdu ay ku qasbanaan doonto inay samayso mushahar dhimis qasab ah oo uu u ogol yahay qodob sharci.

Arrintan oo keeni karta in ciyaartoyda waaweyn ay qandaraasyadooda kansal gareeyaan ayaa waxa hadda war fiican maamulka kasoo gaadhay saddex ciyaartoy oo ka baaqsaday inay raacaan tallaabada ciyaartoyda kale, isla markaana dhimis samaan u muujiyey oo aqbalay codsiga kooxda.

Goolhaye Marc Ter Stegen, Serino Dest iyo Clement Lenglet ayaa noqday saddexda ciyaartoy ee ogolaaday inay mushahar dhimista sameeyaan.

Saddexdan ciyaartoy oo kaliya ayaa illaa hadda kooxda oo dhan ka ogolaaday inay sameeyaan mushahar dhimista sida ay ku warrantay idaacadda Catalunya Radio oo kaga hadashay arrintan barnaamijka La TdT.

Barcelona oo ka cabanaysa dhibaato dhaqaale ayaa waxa la saadaaliyey in xili ciyaareedkan 2020-21 ay geli doonto khasaare dhan 200 milyan oo Euro, taas oo sii xumayn doonta xaaladda deymihii hore loogu lahaa oo 500 milyan oo Euro ku dhowaa.

Si kastaba, illaa Arbacada ayay kooxdu sugaysaa inay jawaab ka hesho ciyaartoyda kale oo ay kula jirto wada-xaajoodyo, inkasta oo xaaladda ay xumaynayso xidhiidhka aan wanaagsanayn ee u dhexeeya Madaxweyne Bartomeu iyo ciyaartoyda waaweyn ee naadiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More