Liverpool Oo Suuqa Dhigtay Xiddig Aan Cidina Filayn Inay Iibin Doonto

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Liverpool ayaa tixgelinaysa dalabaadka laga soo gudbin doono kabtankeeda Jordan Henderson kaddib markii ay horumaro kooban ka samaysay heshiis kordhintiisa.

Henderson oo 31 sano jir ah ayaa 10 sano kahor Reds kaga soo biiray dhinaca kooxda Sunderland, heshiiskiisa kooxda ee ilaa haatan ayaa ah mid ku eeg ilaa 2023.

Hendo ayaa masuuliyada kabtanimo ee kooxdaasi ka dhaxlay Steven Gerrard sanadkii 2015 isaga oo kooxda ku hoggaamiyay hanashada Champions League iyo Premier League.

Henderson ayaa Liverpool looga tixgeliyaa halyeey kooxda ah, Reds ayaa u bandhigay heshiis cusub oo sababi karayay inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysto Anfield.

Laakiin kooxda ayaan wax la taaban karo oo muuqda ka samaynin wadahadalada heshiis kordhinta ee 31 sano jirkaas taas oo albaabada u furaysa inuu bixi karo.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic oo ah midka xogtan laga soo dheeganayo, agaasimaha ciyaaraha Liverpool ee Michael Edwards ayaan muhiim u arag arrimaha kabtanka kooxda.

Liverpool ayaa meel fiican oo gabo-gabo ah marinaysa heshiisyo cusub oo ay ka saxeexanayso Alisson Becker, Virgil Van Dijk, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Fabinho kuwaas oo dhammaantood qalinka ku duugaya qandaraasyo dhaafsiisan ilaa 2023.

Tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino ayaa la fahamsan yahay inuu la dhacsan yahay Henderson isla markaana uu jeclaan lahaa inuu Georginio Wijnaldum kula mideeyo Parc des Princes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More