Liverpool Oo Saxeexa Pogba Loo Bandhigay, Arsenal Oo Qiimaha Odegaard

Aston Villa ayaa wadahadalo dib ula bilaabaysa Jack Grealish toddobaadka dambe iyaga oo u bandhigaya heshiis cusub oo ay xiisaha Man City u qabto kaga jawaabayaan. (Express and Star)

Dhinaca kale Man City ayaa bilawday wadahadalo ay Villa kula jirto oo ay Grealish kaga doonayso, heshiiska ayaa noqon kara mid go’aan laga gaadho maalmaha soo socda. (Guardian)

Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola ayaa rajaynaya inuu Grealish heshiiskiisa heli doono kahor kulanka Community Shield ee 7-da August. (Star)

Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa 28 sano jirkaas saxeexiisa Liverpool u bandhigay. (Le 10 Sport – in French)

West Ham ayaa dalab 20 Milyan oo pound ah ka gudbinaysa Kurt Zouma oo la sheegay inuu sii joogista magaalada London ka doorbidayo inuu qayb ka noqdo heshiiska Chelsea Sevilla kaga doonayso Joules Kounde oo lagu darayay. (Mail)

Sevilla ayaa doonaysa 80 Milyan oo pound haddiiba ay Joules Kounde ka iibinayso Chelsea, sidoo kale kooxdiisii hore ee Bordeaux ayaa 20% kamida lacagta iibka heli doonta sidii ay Sevilla kula heshiisay 2019. (Goal)

Manchester City goolhayaheeda Ederson Moraes ayaa heshiis dheerayn saddex sano ah la siinayaa taas oo ka dhigan inuu qandaraaskiisu ilaa 2028 noqon doono. (Athletic – subscription required)

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa lala xidhiidhinayaa jagada xulka Switzerland, Wenger ayaan shaqo qaban tan iyo 2018 markii uu Gunners ka tagay. (Blick, via Mail)

Tottenham ayaa kordhinaysa lacagta ay ku doonayso daafaca Atalanta ee Cristian Romero kaddib markii ay kooxda ree Talyaani diiday heshiis ciyaartoy kala bedelasho oo ay Barca ku doonayso 23 sano jirkaas.(SportItalia, via Mail)

Romelu Lukaku ayaa xaqiijiyay doonistiisa ah inuu sii joogo Chelsea kaddib markii uu deg-deg u diiday dalab uga yimid kooxdiisii hore ee Chelsea.(Gazzetta dello Sport – in Italian)

Sassuolo madaxeeda fulinta ee Giovanni Carnevali ayaa sheegay inay iibinta Manuel Locatelli kaliya tixgelin doonaan haddiiba dalabka saxda ah laga soo gudbiyo, 23 sano jirkaas ayaa lala xidhiidhinayaa Arsenal iyo Juventus. (Gazzetta dello Sport, via Mirror)

Carnevali ayaa sheegay inay wadahadalo la yeelan doonaan Juventus maadaama ay tahay kooxda ciyaaryahanku doonayo, sidoo kale waxa uu xusay inay koox English ah oo aan Arsenal ka ahayni tartanka soo gashay. (Sky Sports Italia, via Goal)

Atletico Madrid daafaceeda Kieran Trippier ayaa rajaynaya in heshiiska uu Man United ugu biirayaa uu gaadho ilaa dhammaadka xilli suuqan. (Manchester Evening News)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhagaysato dalabaadka Willian oo 32 sano jir ah laga soo gudbinayo si ay u yarayso mushaharka ay bixiso. (Star)

Real Madrid ayaa ugu yaraan 43 Milyan oo pound bixitaan ugu ogolaan karta Martin Odegaard xilli ay Arsenal xiisaynayso kaddib heshiiskii amaahda ahaa ee uu kula joogay. (ESPN)

AC Milan ayaa 28 sano jirka Chelsea ee Hakim Ziyech ka dhigatay bar-tilmaameedkeeda koowaad xilli ay isha ku hayso xoojinta safkeeda weerarka. (Calciomercato – in Italian)

Aston Villa ayaa isku diyaarinaysa inay wadahadalada ay heshiis cusub kaga saxeexayso la gasho goolhaye Emiliano Martinez kaddib markii goolhayahaasi uu kasoo caawiyay Copa America xulka Argentina taas oo dhalisay inuu xiiso ka helo kooxo kale. (90min)

Torino ayaa dalab weyn oo heshiis kordhin ah u bandhigtay weeraryahankeeda Andrea Belotti si ay iskaga fogayso xiisaha uu ka helayo AS Roma iyo Arsenal. (Tuttomercatoweb, via Goal)

Karim Benzema ayaa heshiis cusub oo ilaa 2023 ku haynaya magaalada Madrid u saxeexaya kooxdiisa Real Madrid. (Marca – in Spanish)

Daafaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa rajaynaya inuu heshiis cusub u saxeexo Juventus kaddib markii qandaraaskiisii dhacay bishii June markaas oo uu xulka Talyaaniga ka caawinayay ku guuleysiga Euro 2020. (Football Italia)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More