Liverpool Oo Musiibadu Kusii Kordhayso & Xiddigii SADDEXAAD

Waxa halkooda kasii socda dhibaatooyinka ay maalmihii ugu dambeeyay lasoo kulmayeen xiddigaha kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League iyadoo ciyaaryahanka kooxdaas ee Xherdan Shaqiri uu kamid noqday liiskooda dhibanayaasha ah.

Shaqiri ayaa laga helay xanuunka saf-marka ku ah dunida ee Korona Fayras waana ciyaaryahankii saddexaad ee Liverpool ah ee laga helo xanuunkaas mudo toddobaad gudihii ah.

Xaqiiqada ah in xidhiidhka kubadda cagta Switzerland uu ku dhawaaqay xanuunka Shaqiri ayaa imanaysa xilli maalmo kahor uun la xaqiijiyay inay caabuqaas sidoo kale qabaan xiddigaha kooxdiisa Liverpool ee Sadio Mane iyo Thiago Alcantara.

Shaqiri oo 28 sano jir ah ayaa kulamada caalamiga ah u raacay xulkiisa qaranka Switzerland balse kaddib markii xanuunkan laga helay karantiin geli doona.

Shaqiri ayaa xilli ciyaareedkan hal kulan oo kaliya usii ciyaaray kooxdiisa waxaana uu ahaa midkii Carabao Cup ee ay booqdeen Lincoln markaas oo uu laad xor ah oo cajiib ah soo dhaliyay.

Taas bedelkeeda Xherdan ayaan kusoo bixin liiska xiddigaha uu Klopp usoo xushay dhammaan kulamadii afarta ahaa ee ay kooxdiisu kasoo ciyaartay Premier League taas oo dhalisay in lala xidhiidhiyo kooxda ree Turkey ee Fenerbahce.

Ugu dambayn, maamulka Premier League ayaa xaqiijiyay inay sagaal qof ka heleen xanuunka baadhistii ugu dambaysay ee ay sameeyeen balse aysan caddayn haddii uu Shaqiri kamid ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More