Liverpool Oo Chelsea Iyo Man City Ku Garaacaysa Xiddig Ka Ciyaara Premier League.

Kooxaha Liverpool,Chelsea iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddig ka ciyaara premier League kaas oo doonaya in uu ka tago kooxdiisa xagaagan.

Dhammaan saddexda kooxood ee Premier League ayaa loo maleynayaa inay doonayaan inay xoojiyaan difaacooda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga, gaar ahaan dhanka bidix, taasoo keentay tartan xoogan oo ay u galaan xiddig bartilmaameed u ah.

Xiddigaas ayaa ah daafaca kooxda Wolves ee Rayan Ait-Nouri kaas oo ku fiican garabka bidix ee daafaca.

Sida laga soo xigtay Football Transfers, Man City ayaa haatanba wadahadalo la yeelatay Wolves si ay u helaan xiddiga laakiin Wolves ayaa dalbatay 70 milyan oo euro.

Sida laa soo xigtay saxafiga reer Algeria ee Abdel Hamed, Waxa la fahamsan yahay in ay Liverpool ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha in ay xidhiidh dhaw la leeyihiin Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More