Lionel Messi Oo La Shaaciyey Kulanka Ugu Horreeya Ee Uu U Ciyaarayo

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa si degdeg ah tababarka ula bilaabay kooxdiisa cusub ee PSG, xilli la filayey in uu nasiimo galo, laakiin waxa uu seegay ciyaartii u horreysay ee horyaalka ee kooxdiisa ee toddobaadkan, waxaanay sababtu tahay in aanu wali taam buuxa u noqon jidh ahaan maadaama uu kasoo laabtay fasax.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyey in Messi uu qaadan doono waqti uu jidhkiisa ku diyaariyo oo uu kooxda koowaad la tababarto, laakiin ma sheegin waqtiga uu kulankiisa ugu horreeya safan doono.

34 jirkan ayaan qayb ka ahayn kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga maadaama uu ka qayb-galay tartankii Copa America oo uu waddankiisa Argentina koobka kula guuleystay, taas oo keentay in uu waqti dambe galo fasax uu la qaatay qoyskiisa xilli uu filayay in uu Barcelona kusii negaan doono.

Laakiin taasi may dhicin, waxaana markii uu diyaar u noqday in uu ciyaartoydiisa Barcelona kula biiro tababarka kaddib saxeexa heshiis ay isla ogolaadeen kooxda, waxay Barca u sheegtay in aanay qandaraaska cusub siinayn ee uu xor ka  yahay, taas ayaana dib usii dhigtay in uu tababarka bilaabo, isagoo qaatay maalmo adag oo uu ku tilmaamay ‘kuwii ugu adkaa noloshiisa’.

Pochettino oo hadlayay kaddib guushii Strasbourg ay 4-2 kaga badiyeen usbuucan ayaa yidhi: “Leo maalintii labaad ayuu tababarka qaadanayaa isagoo muddo bil ah ka maqnaa, waxa aanu qaadaynaa tallaabo-tallaabo anag oo ogaanayna in uu taam noqday, si buuxdana diyaar ugu yahay inuu ciyaaro.”

Si kastaba, telefishanka Sky Sports ayaa shaaciyey in Lionel Messi uu kulankiisa ugu horreeya u ciyaari doono PSG marka ay taariikhdu tahay August 29 oo ay la ciyaari doonaan Reims kulan ka tirsan horyaalka Ligue 1.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More