LABADA Shaqo Ee Uu Xavi Hernandez Diiday Oo Kaa Yaabinaya & Wararka La

Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Brazil ayaa lagu soo warramayaa inay labaduba xidhiidh la sameeyeen tababaraha kooxda Al Sadd ee Xavi Hernandez kaas oo u tartamaya jagada tababarenimo ee kooxdiisii Barcelona.

Xavi ayaa ku raaxaysanaya hadda fasaxiisa oo uu ku qaadanayo Catalonia kaddib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah kusoo qaatay Al Sadd isaga oo kula soo guuleystay saddex koob halka uu guud ahaan lix koob la hantay mudada uu joogay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xavi uu yahay tababaraha uu madaxweynaha Barcelona ee Laporta u doortay inuu bedelo Ronald Koeman.

Mustaqbalka Koeman ayaa ah mid shaki weyni ku jiro oo cirka ku shareeran, Laporta ayaa sanadkii 2008 Pep Guardiola oo da’yarta kooxda tababare u ahaa si lama filaan ah ugu magacaabay kooxda koowaad taariikhdaas ayaana dib isku soo celin karta.

Sida uu sheegayo wargeyska AS, Xavi ayaa dalab xiiso leh ka helay Borussia Dortmund oo doonaysay inuu kooxdeeda saddexda sano ee soo socda maamulo, Dortmund ayuu tababare kumeel gaadh ahi kooxdeeda hayay tan iyo December 2020.

Sidoo kale waxa jiray dalab ka yaabiyay Xavi qudhiisa, waxa ay ahayd shaqo uga timid xulka Brazil oo doonayay inuu ku xigeen u noqdo tababare Tite isla markaana uu la wareego booska Tite kaddib koobka aduunka.

Xavi ayaa kaddib markii uu uga mahadceliyay sida ay u sharfeen iska diiday labada dalab maadaama oo ay hadda kaliya laba kooxood liiskiisa ku jiraan waana kooxdiisa hadda ee Al Sadd iyo kooxdiisa mustaqbalka dhaw ee Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More