Laba Kooxood Oo Premier League Ah Oo Doonaya Tababarihii Shalay La
Jose Mourinho ayay suurtogal tahay in uu sii joogo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib markii shalay laga caydhiyey Tottenham.
Tababaraha reer Portugal ayaa waqti adag ku qaatay hroyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana ugu dambaysay in uu ku guuleysto horyaalka sannadkii 2015 oo uu la qaaday Chelsea, laakiin intii ka dambaysay ayey sumcaddiisu hoos usii socotay.
Manchester United oo uu layliyey ayaanu la qaadin horyaalka inkasta oo uu koobab kale oo uu ku jiro Europa League u qaaday, waxaana Tottenham oo uu 17 bilood laylinayey uu kaga tegay iyadoo aan wax koob ah helin.
Fursaddii ugu horreysay ee uu koob ku heli karayay ayaa ahayd Axadda oo ay Manchester City ku ballansan yihiin finalka Carabao Cup, hase yeeshee fursad looma siinin in uu sugo maalintaas waxaana la caydhiyey lix maalmood ka hor.
Si kastaba, waxa hadda soo baxaya in ay jiraan laba kooxood oo Premier League ah oo xiisaynaya Jose Mourinho, isla markaana doonaya in uu hoggaamiyo.
Kooxda kubadda cagta Newcastle United oo la sheegay in ay iibsanayaan qoyska boqortooyada Sucuudiga ayay wararku sheegayaan in ay isha ku hayaan Mourinho oo uu noqon karo tababarahooda cusub.
Kooxda labaad ayaa waxay tahay Wolves oo uu macallin ka yahay Nuno Espirito Santo oo reer Portugal ah, isla markaana lala xidhiidhinayo Tottenham, waxaanay wararku sheegayaan in haddii uu Nuno tago Spurs, in Jose uu isaguna dhaxli karayo booskiisii Molineux.
Your browser does not support the audio element.