“Kooxdaasi Markasta Qalbigayga Ayay Ku Jirtaa” –

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa magacaabay kooxda uu tababaraha u noqon karo mustaqbalka dhaw ee uusan meesha ka saarayn fursada uu ku maamuli karo waana kooxda ree France ee Paris Saint-Germain oo uu bilawgii waayihiisa ciyaaryahanimo kusoo bilawday.

Arteta ayaa 53 kulan usoo ciyaaray Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkii 2001-02 isaga oo shan gool usoo dhaliyay kaddib markii ay Barcelona qaab amaah ah ugu dirtay caasimada France.

Arteta oo la hadlayay muuq-baahiyaha beIN Sports ayaa sheegay sida uu u xasuusto wakhtigii uu kusoo qaatay Parc des Princes kahor intii uusan usoo ciyaarin kooxaha kala ah Rangers, Real Sociedad, Everton iyo Gunners isaga oo ugu dambayna xilli tababare ku xigeenimo ka qabsaday Manchester City sanadkii 2016.

Arteta ayaa sheegay inuu markasta qalbiga ku hayo PSG isla markaana uusan garanayn waxa dhici kara mustaqbalka iyo haddii uu tababari doono balse si cad u shaaciyay inay wali shaqo badani u taalo Arsenal oo ay tahay inuu qabto,

“Waan jeclahay Paris, waan jeclahay Paris, xasuuso aad u wanaagsan ayaan halkaas ka haystaa, waa kooxdaydii ugu horreysay ee ka xirfadle ahaan (Kaddib markii uu soo metelay Barca C iyo Barca B)”

“Kooxdu markasta qalbigayga ayay ku jirtaa, marnaba ma garan kartid laakiin aniga shaqo badan ayaa ii taala oo ay tahay inaan qabto (Arsenal)”

PSG ayuu hadda maamuulaa tababare Mauricio Pochettino oo ah Paris kasoo wada ciyaareen Arteta isla markaana ay kusoo xifaaltameen wakhtiyo ay ka kala socdeen Arsenal iyo Tottenham.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More