Keen Paul Pogba Juventus .. – Juventus qorshe fiican ayey leedahay

Juventus ayaa heshiis cusub oo isku badalasho ah la saxiixan doonta kooxda Man United iyaga oo ka hor tagi doona kubad sameeyaha Paul Pogba kaas oo aan ku faraxsanayn Old Trafford

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay u soo bandhigto Manchester United heshiis ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Argentina Paulo Dybala.

Dybala waa mid ka mid ah laba ciyaaryahan oo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Manchester United isagoo ka tagaya Juventus si uu u fasaxo Pogba.

Ciyaaryahanka kale ee Juventus u diri karto Manchester United waa Federico Bernardeschi, madaxda Red Devils ayaana go’aan ka gaari kara haddii ay doonayaan inay soo diraan Pogba.

Sida laga soo xigtay ESPN, Juventus ayaa rumeysan inaysan sinaba u maalgelin karin Pogba ka dib dhibaatooyinkii dhaqaale ee Korona Fayra taas bedelkeedana ay dooneyso inay heshiis la gaarto ciyaaryahan kale.

Wakiilka Pogba, Mino Raiola, oo xiriir dhow la leh Bianconeri, ayaa sheegay horaantii bishaan in go’aanka ugu fiican ee dhinacyada ay khuseyso oo dhan uu noqon doono in 27 jirka reer France uu ka tago Old Trafford.

Way ku adkaan doontaa Paul inuu u dhaqaaqo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, laakiin wuu bixi karaa xagaaga soo socda iyadoo qandaraaskiisa uu uga harsan yahay hal sano.

Red Devils ayaa ka cabsi qabta inay lumiso Pogba si bilaash ah markii qandaraaskiisa uu dhaco laakiin sidoo kale waxay diidayaan inay hoos u dhigaan codsiga wakiilka Raiola.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More