Kaddib Fursado Uu Khasaariyey, Waxa Loogu Hanjabay In Qoyskiisa La

Weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata ayaa helay digniino loogu sheegayo in la dili doono qoyskiisa kaddib markii uu fursado ka lumiyey xulka qaranka dalkiisa kulamadii wareegga Groupyada ee tartanka Euro.

Laacibkan ayaa khasaariye rikoodhe ciyaartii ugu dambaysay, sidoo kalena waxa uu awoodi waayey in uu ka faa’iideeyo fursadihii uu helay kulamadii ka horreeyey, taas oo keentay in ay ku ooriyaan taageereyaashu kulankii ugu dambeeyey.

Morata oo afka hore uga ciyaara Juventus ayaa kulankii Poland waxa uu u ahaa mid aan fiicnayn oo rikoodhe laga badbaadiyey, isla markaana aanu waxba ku yeelan shan gool oo qarankiisu dhaliyey.

Spain ayaa magaalada Copenhagen waxay Isniinta kula ciyaari doonaan xulka qaranka Croatia kulan ka tirsan wareegga 16ka  kaas oo ay u baahan yihiin in ay badiyaan.

Morata oo ah weeraryahanka ugu fiican ee xulka Spain isku hallaynayo, waxa uu kaliya u dhaliyey qarankiisa 20 gool 43 kulan oo uu u saftay.

28n jirkan oo la hadlay idaacadda Cadena Cope ayaa shaaciyey in qoyskiisa ay soo gaadheen farriimo dil ah, waxaanu yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in dadku ay xidhaan kabahayga oo ay ka fikiraan waxa ay ka dhigan tahay hanjabaadaha qoyskayga soo gaadhaya, dadka ayaa igu odhanaya ‘waxa aan rajaynayaa in carruurtaadu dhintaan’.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More