Jose Mourinho Oo Xulka England Ka Caawinaya Sidii Ay Uga Badin

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa ka caawinaya Ingiriiska sidii ay uga badin lahaayeen Jarmalka oo ay isku beegmeen wareegga 16ka tartanka qaramada Yurub, waxaana uu talooyin joogto ah siinayaa tababare Gareth Southgate.

Ingiriiska ayaa Salaasada la ciyaari doona Jarmalka, waxaana midkooda badiyaa uu u gudbi doonaa sideed-dhamaadka halka uu kooxda kalena hadhi doono.

Xulka qaranka Germany ayaa ku ciyaaray shax 3-4-3 ah kulankii ay 4-2 ku burburiyeen Portugal, kaas oo ay muujiyeen sida ay ugu awoodda badan yihiin shaxda noocaas ah, laakiin Jose Mourinho ayaa isaguna u sheegay Gareth Southgate taatikada iyo xeeladda uu ku joojin karayo Jarmalka.

Mourinho ayaa kula taliyey Gareth Southgate in uu ka guuro qaab ciyaareedka ku dhisan afarta difaac oo uu u wareego mid saddex difaac kaliya ah, isla markaana uu awoodda saaro khadka dhexe iyo weerarka, qaabkaas oo uu rumaysan yahay inay ku garaaci doonaan Jarmalka.

“Marka aad haysato 26 ciyaartoy oo aad kala xulato, waa in aad qaadato khatar, khamaas iyo in aan soo qaadato ciyaartoy dhaawac ah haddii u qalmayo taas.” Ayuu Mourinho hadalkiisa ku bilaabay, waxaanu raaciyey: “Maguire waxa uu ka  mid yahay ciyaartoydaas. Wuu isku kalsoonaa oo deggenaa, wuxuu ahaa mid maskax badan [kulankii Czech Republic].

“Ciyaarta ayuu si fiican u akhriyaa, waxaanay wada-shaqayn fiican leeyihiin Stones. Mings ayaa isaguna shaqo cajiib ah qabanaya, waxa aad dareemi karaysay in uu faraxsan yahay 10 ama 15 daqiiqadood, waa ciyaartoy kooxeed.”

Intaas kaddib ayuu Mourinho taladiisa siiyey Southgate, waxaanu yidhi: “Layaab ayay noqon doontaa kulanka Germany oo ay ciyaarayaan Kai Havertz, Thomas Muller iyo Serge Gnabry, haddii aanu keenin saddex difaac dhexe iyo laba dhinacyada ah. Layaab ma noqonayso haddii England ay ku ciyaarto Stones, Maguire iyo Mings.”

Qaabkan uu Mourinho ku talinayo in Ingiriisku ku ciyaaro ayaa waxay noqonaysaa shan difaac, sida Maguire, Stones, Mings, Kyle Walker iyo Luke Shaw, laakiin labada dhinacyada ayaa marna caawinaya khadka dhexe marna dib usoo degaya, sida laga arkay kooxda kubadda cagta Chelsea intii uu joogay Thomas Tuchel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More