Jose Mourinho ayaa garaacay Arsenal

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan wax walwal ah ka qabin Arsenal iyo tartankooda sababtoo ah kaliya wuxuu fiirinayaa miiska.

Spurs ayaa u safreysa Emirates Stadium Axada si ay 7 dhibcood uga fogaato kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal, guul ay gaaraan ayaa u xaqiijin doonta iyaga inay hogaanka u qabtaan Gunners xilli ciyaareedkii shanaad oo isku xiga

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa sheegay inuu kaliya diirada saarayo sidii kooxdiisu ay u gaari laheyd afarta sarre isla markaana uusan dooneyn inuu hoos u eego Gunners.

“Waan eegay kaliya, hoos uma eego,” ayuu yiri.

“Hadii Arsenal ay nagahoreyn laheyd 7 dhibcood, wey eegi lahaayeen. Laakiin maadaama aan todobo dhibcood ka sareyno iyaga, hoos uma fiiriyo.

“Laakiin isla waqtigaas waxaan sugeynaa kulanka soo socda. La ciyaarista Arsenal waa sida inaan la ciyaareyno Aston Villa ama Newcastle, wax dareen ah ma lihin.

“Waxaan dareemeynaa inaan mowqif fiican ku leenahay miiska, waxaan dooneynaa inaan horumarino booskeena sidaas darteed waxaan u baahanahay dhibco.

Waa kulan Premier League ah, seddex dhibcood ayaa lala dagaallamayaa waana isku dayi doonaa. ”

Tan iyo markii uu Jose Mourinho qabtay kooxda Tottenham, waxa uu badiyay labadii kulan ee gurigiisa ee uu ka horyimid Arsenal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More