Joao Felix: Waxan Doonayaa In Aan Sii Joogo Barcelona laakiin..

Xiddiga Joao Felix, ciyaaryahanka Barcelona amaahda uga yimid Atletico Madrid, ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda Barcelona laakiin arimuhu ay gacantiisa ka baxsantahay.

Felix ayaa Barcelona kula joogay heshiis amaah ah waxana uu ku Laabtay kooxda Atletico madrid Kadib heshiiskii dhacay.

Isaga Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” anigu amaah ayaan ku joogay Kooxda arimuhu aniga iguma xidhna”.

“Sii joogistayda Barcelona waxa ay ku xidhantahay arimo badan laakiin anigu Barcelona waan jecelyahay waanan doonayaa in Aan sii joogo”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More