Iska Ilow Real, Barca & Man City – Paul Scholes Oo Magacaabay Labada

Paul Scholes ayaa ka hadlay fursadaha ay Manchester United iyo Chelsea u heystaan saxiixa Erling Haaland isagoo sheegay inay yihiin kooxaha kaliya ee awoodi kara inay soo iibsadaan weeraryahanka Borussia Dortmund xagaagan.

Haaland ayaa durbaba loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta caalamka, waxaana lala xiriiriyay kooxaha ugu waa weyn Yurub ka hor suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 49 gool 51 kulan uu u saftay Dortmund isagoo ka caawiyay kooxda Bundesliga ka ciyaarta inay soo gaarto wareega sideed dhamaadka Champions League.

Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City ayaa dhamaantood si xoogan loola xiriirinayay inay la soo wareegayaan Haaland laakiin Scholes ayaa aaminsan in Manchester United iyo Chelsea inay yihiin kooxaha sida dhabta ah u la soo wareegi kara 20 jirkaan.

“Waxaan qabaa inay arinta isagu soo biyo shubaneyso kooxda awoodi karta inay bixiso lacagtiisa haatan. Uma maleynayo inay jiraan kooxo badan oo awoodi kara lacagtaas” ayuu Scholes u sheegay BT Sport.

“Waxaad isleedahay Real Madrid iyo Barcelona iyo dhawaaqyada aad maqleyso laakiin ma ahan kooxo awooda lacagtaas.

“Man City uma muuqato kuwa doonaya inay bixiyaan lacagtaas. Guardiola isna ma ahan nin No.9 ciyaarsiiya.

“Xitaa markii ay Aguero iyo Jesus ay taam u ahaayeen, waa ay yar tahay inta uu ciyaarsiiyo, sidaasi darteed miyuu Haaland yahay ciyaaryahan uu Guardiola doonayo? Uma maleynayo inuu yahay.

“Eeg, waa ciyaaryahan ay Man United iyo Chelsea ay si xun ugu baahan yihiin, waana kooxaha kaliya ee awoodi kara lacagtiisa xagaagan.”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More